Maamule kashifay Musuqii Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland

Image

BOOSAASO, Puntland- Mid kamid ah xubnihii Madaxweyne Gaas shaqada uga cayriyay musuq-maasuqii ka jiray wasaaradda Kalluumaysiga Puntland, ayaa warbaahinta u soo bandhigay qaabkii wax la isu daba-marin jiray iyo cidda mas’uulka ka ahayd.

Cabdi Salaad Maxamed Radoofe oo maamule iyo fidiye ka ahaa  wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland ee degmooyinka Qandala iyo Xunbays ee goboladda Bari iyo Karkar ayaa sheegay in shatiyo been abuur ah ruqsad lagu siin jiray Doonyaha ka kalluumaysta xeebaha Puntland.

Ninkan oo shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso, wuxuu sheegay in Wasiir Ku-xigeenkii xilka laga qaaday iyo agaasimaha maamulka ee wasaaradda  kalluumaysiga ay mas’uul ka ahaayeen musuqa wasaaradda isagoo xusay in shakhsi ahaan lagu qasbay inuu ku shaqeeyo dukumentiyo been abuur ah oo qaybtooda laga keenay magaalada Hargaysa.

“Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeyo kiiskan sidii aanhoray ugu caddeeyay gudiga baarista documetigan waxaa soo daabacay nin shacabka ah , wuxuu ka soo daabacay magaaladd Hargaysa, waxaa ii shiibay oo yiri ku soo shaqee, Agaasimaha waaxda maamulka Cabdul qaadir Xaaji yuusuf Fay iyo Wasiir ku-xigeenka Gabax, wixii lacag soo  baxdayna ayaga ayaa maamulayay, anigu waxba qarin mayo beenna sheegimaayo,” Ayuu yiri Radoofe

Isagoo xusayay in qorshahan uu bilowday sannadkii 2016, wuxuu sheegay in mas’uuliyiinta xilka laga qaaday ay u diideen lacag ka badan Labo Kun oo dollar oo kamid ah lacagtii uu xaqa u lahaa.

“Labada Nin iyo agaasimaha guud waxay ii diideen oo si sharci darro ah iiga cuneen lacag dhan 12 , 500 (labo, toban kun iyo shan boqol oo dollar) Lacagtaas oo aniga aan ku lahaa dakhliga aan soo saaray, iyagana jeebka ku shubtay, waxaan codsanayaa in Garsoorka laysku kaayo geeyo” Sidaas waxaa yiri ninkan oo kamid ahaa dadkii musuqa ku waayay shaqadooda.

Isagoo sii hadlaya wuxuu qirtay inuu galay dambi qaran islamarkaana uu codsanayo in la cafiyo maadama sida uu hadalka u dhigay uu dowladda u cadeeyay qaabka wax loo musuq-maasuqi jiray.

Radoofe oo iminka bannaanka ku jooga Damiin, wuxuu muddo labo bilood ah xabsi ugu jiray musuq-maasuqa ka jira wasaaradda Kalluumaysiga Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa Todobaad ka hor Digreeto uu soo saaray wuxuu shaqadii kaga eryay dhowr qof oo ay ku jiraan wasiir ku-xigeenkii wasaaradda Kalluumaysiga Puntland iyo Agaasimihii guud kuwaasoo lagu eedeeyay wax is-dabamarin iyo musuq-maasuq.

Balse wasiir Gabax oo isla todobaadkii hore shir-saxaafadeed qabtay wuxuu iska fogeeyay eedaas isagoo xusay inay tahay mu’amarad lag dilayo sharaftiisa.

Si kastaba ha ahaateen Dhammaan hay’adaha dowladda Puntland waxaa hareeyay musuq-maasuq baahsan kaasoo ragaadiyay hormarkii uu gaari lahaa maamulkan 20 jirka ku dhow. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM