Madaxweyne Deni oo magacaabay guddi qaban-qaabinaya Aas Qaran

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowlada Puntland oo wareegto soo saarey wuxuu magacaabay guddi uu sheegay in ay qaban-qaabinayaan Aas Qaran oo loo sameynayo Xasan Abshir Faarax iyo Maxamed Cabdi Xaashi.

Digreetada oo lagu faafiyey barta Facebook ee madaxtooyadda Puntland ayaa lagu soo bandhigay magacyadda xubnaha guddigaan oo ka kooban Sagaal isugu jira wasiiro, taliyeyaal iyo mas'uuliyiin kale.

Xasan ayaa soo qabtay xilal uu kamid yahay wasiirka arrimaha gudaha Puntland iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, halka Xaashi uu soo noqdey madaxweynaha iyo ku xigeenka ee isla maamulkan.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddi u magacaabay Aas Qaran oo Garoowe loogu sameynayo Alle ha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi," ayaa lagu yiri.

Sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah, wasiirka wasaaradda Cadaaladda, Cawil Shiikh Xaamud, ayaa ah gudoomiyaha guddiga, halka uu ku xigeen u noqonayo wasiirka warfaafinta, Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde.

Magacyadda xubnaha guddiga ayaa kala ah;

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud (Guddoomiye)
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde (Guddoomiye Ku-xigeen)
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Osmaan Lugatoor (Xubin)
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan (xubin)
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jaamac Faarax Xasan (xubin)
Taliyaha Ciidamada Alsuubta Gen Cali Nuur (xubin)
Taliyaha Ciidamada Booliska Gen. Cabdiyare Xasan Xuseen (xubin)
Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed (xubin)
Duqa Caasimadda Garoowe Axmed Barre (xubin)

Alle ha u wada naxariistee, marxuumiinta ayaa ku kala geeriyooday caasimadda Kenya ee Nairobi iyo dalka Turkiga, halkaas oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayeen, sidda ay ka dhawaajiyeen qoysaskooda.

Puntland ayaa waxay horey ugu dhawaaqdey saddex maalmood o baroor-diiq ah, waxaana hoos loo dhigay calanka Puntland iyo kan Soomaaliya ee suran gudaha Madaxtooyadda maamulkan caasimadiisa ay tahay Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM