Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Qardho

Image
Image

QARDHO, Puntland - Wafdi ballaaran oo ay hogaaminayaan Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hogaamiyaha Puntland ayaa gaarey magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karakaar.

Safar dhanka dhulka ah ayuu ku tagey Wafdiga Madaxweyne Farmaajo Qardho halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen mas'uliyiin, Odayaal dhaqan iyo dadweyne aad u badan oo kaga hortagey banaanka magaalada.

Wafdigan ayaa saaka ka amba-baxay magaalada Garoowe oo ay ku joogeen booqasho qaadatay saddex maalin, kadib markii uu yimid Axadii hore. 

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa la xariira sidii uu ugu kuurgali lahaa xaaladda guud ee dadka ku nool Puntland iyo ammaanka sida uu war-saxaafadeed uu qabtay Axadii hore ku sheegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Amaanka Qardho ayaa aad loo adkeeyay kahor imaanshaha Madaxweyne Farmaajo, iyadoo ay uga sii horeeyeen wafdi hordhac ah oo xalay halkaasi gaarey, sida ay sheegayaan Wararka Warsidaha Garowe Online.

Wafdi Madaxweynaha ayaa joogi doono Qardho mudo hal maalin ah, isagoo uga soo gudbi doono Magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari oo hadda ay ka socoto diyaar-garowga soo dhaweyntiisa.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Puntland oo soo billowday maalintii Axadii ee lasooa dhaafay ayaa waxa uu noqonayaa midkii ugu horeeyay tan iyo markii la doortey bishii Febuary ee 2017-dii.

Lugta ugu dambaysa ee safarkiisa waxa uu ku tagi doonaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo deegaanno kale oo katirsan Galamudug.

 

 

 

Wararka kale oo uu helayo Garowe Online, ayaa sheegaya in Farmaajo uu sidoo kale socdaal ku mari doono qaybo kamid ah gobollada dhexe ee dalka.

Socdaalkan ayaa imaanaya xilli xukuumadda sannad jirka ah ay doonayso inay maamulka gaarsiiso dalka oo dhan, iyadoo horay u ballanqaaday inay doorashada dambe gaarsiin doonaan qof iyo cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM