Madaxweyne Gaas oo ka hadlay dilalka Qorshaysan ee ka dhaca Puntland [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta boqolaal kamid ah shacabka Garowe kula tukadayay garoonka Kubadda Cagta ee Mire Awaare.

Khudbad uu jeediyay ayuu diiradda ku saaray arrimaha Amniga, isagoo eedeeyay maamulka Somaliland oo ku tilmaamay inay garab siiyaan argagixisada gaar ahaan Shabaab iyo Daacish.

Wuxuu sheegay in arrintaas ay tahay mid lawada ogyahay oo caqliga saliimka ah fahamsiinayo dadka marka loo eego dhibaatada ay ku hayaan kooxahaas deegaanada Soomaalida marka laga reebo Somaliland.

“Puntland waa amni inkastoo aad moodo in baryahan dambe cadow iskaashaday oo ka imaanayay dariskeena, Shabaab iyo Daacish oo awalba iyaga la noolaa dhibna ku hayay shacabka, waxaan rabnaa inaan fariin u dirno cadowgeena waxaana weeye; Shacabka Puntland iyagoo wada-jira ayay wajahayaan cadowgooda waana isaga filanyihiin cadowgaas isbahaystay, markaan leeyahay is-bahaystay waa dhan waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto-dheer kuwa dariskeena ah ee daan-daansiga noogu yimid iyo cadowgii dhibta nagu hayay ee Shabaab, way muuqataa iskama dhacdo in Shabaab iyo Daacish dalka qaarna dhibka ku hayaa oo shiddeeyaan maalin walba, qaarna aysan xagtin gaarsiin, waad garan kartaan Caqliga Saliimka ah ayaa inoo sheegaya,” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Dilalka qorshaysan ee muddooyinkii dambe ka dhacayay Puntland ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay in arrintaas ay wax ka qaban doonaan, balse loo baahanyahay in shacabka taageero siiyaan ciidamada amniga si looga guulaysto ururadaas oo uu sheegay in cimrigoodu gabaabsi yahay.

“Laakiin hal baa la ina ka rabaa sida waayadan dambe dhacaysay inay Shabaab iyo Daacish beegsadaan dadka Biri-magaydada ah oo masaakiinta ah oo Ganacsatada ah oo ay ugu dambaysay Maareeye ku-xigeenkii shirkadda Golis, maah-maah ayaa oranaysa waxa ugu daran ee aad baqdaa waa Baqdinta lafteeda, markii ay na gasho inaan ka baqno cadowga markaas ayuu ka aadkaanayaa, marka waxaan rabnaa inaynaan dhag u jalaqsiin,” Gaas ayaa sidaas yiri. 

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa hambalyo u diray shacabka Puntland isagoo u rajeeyay amni iyo midnimo.

“Ciid wanaagsan waxaan ku farax-sanahay in aan maanta iskugu nimaano munaasabadda Ciidul adxaa, waxaan ilahay uga rajaynayaa Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland meel kasta oo ay joogaan in ay ku ciidaan amni, wadajir iyo midnimo, waxaan sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ciidamada Puntland meel kasta oo ay joogaan, kuwaas oo ilaalinaya sugayana nabadgalyada gudaha iyo dibadda labadaba, waan ku bogaadinayaa difaaca qaran ayaga iyo qoysaskoodaba , Illaahay waxaan ka rajaynayaa in ciidaan ciideeda kale uu nagu gaar siiyo nabadgalyo iyo amni,” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM