Mahad Xasan Xuseen: Waa kuma ninka gabaadka siiyey 'dilaaga' Paul?

Image

BOOSAASO, Puntland – Afar bil kahor ayey ahayd markii qaybta kalluunka ee marsadda Boosaaso lagu khaarijiyey maareeyihii shirkadda P&O Ports ee dekadda xarunta gobolka Bari ee Puntland.

Paul Anthony Farmosa, oo kasoo jeeda Jaziiradda Malta, ayaa waxaa dilay qof ku hubeysanaa bastoolad, kaasi oo ay ciidamadda ammaanka isla goobta ku toogteen wallow dhaawac uu soo gaarey.

Dilaaga oo la dhigay Isbitaal halkaasoo kolkii dambe uu ku dhintay ayaa lagu magacaabayey Cabdullaahi Ibraahim inkasta oo Al-Shabaab looga dhex-yaqiinay magacyadda Qaasim iyo Xasan.

Gacan ku dhiiglaha ayaa, sidda ay sheegeen laamaha ammaanka, waxa uu ahaa mid ku cusub magaaladda, wuxuuna garab ka helay shaqsi kale oo ku nool xarunta ganacsiga ee dowladda Puntland.

Baaritaano badan kadib, hay’addaha amniga ayaa sheegay in ay ku guuleysteen soo qabashadda shaqsiga gabaadka siiyey Cabdullaahi, kaasi oo magaciisu ku tilmaamaeen Mahad Xasan Xuseen.

Waa kuma Mahad Xasan Xuseen?

Ninkan oo kamid ahaa shaqsiyaadkii ay Maxkamadda Ciidamada Puntland maanta oo Isniin ah ay dil toogasho ku xukuntay ayaa caan ku ah magaca Jacfar, marka la joogo gudaha dagaalameyaasha Shabaab.

Mahad ina Naciimo Buulle, oo ku dhashay magaaladda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu waramayaa in uu hoygiisa Boosaaso ku hayey Cabdullaahi, dilaaga, muddo 20-casho ah.

Sidda ay tilmaamayaan warbixinta laga helay laamaha ammaanka, Xuseen ayaa sidoo kale ah shaqsiga laba semi-card u iibiyey Cabdullaahi, kuwaasi oo uu is-ticmaalayey intii uu Boosaaso ku noolaa.

Bastooladii uu Qaasim dilka ku geystay ayuu hayey illaa iyo uu ka wareejiyay maalintii uu falku dhacayey isaga oo waqtigaasi u dhiibay nin kale oo lagu magacaabo Sakariye oo isana lagu raad-joogo.

Xuseen ayaa sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay in uu wax ka qaban-qaabiyey dilal kale iyo qaraxyo ka dhacay magaaladda Boosaaso oo qaarkood lagu beegsaday xarumo iyo mas’uuliyiin dowladeed.

Sidda ay ka dhawaajiyeen garsooreyaasha, xukunsahan ayaa ku lug-lahaa dilkii Masjid ku yaala Boosaaso loogu geystay Saldaan Bashiir Koonte, oo kamid ahaa Isimada ugu caansan Puntland.

Sidda xukunsaneyaasha kale, Mahad ayaa wuxuu haystaa muddo bil ah, oo uu Racfaan uga qaadan karo xukunka dilka toogashadda ah ee ay garka u gelisay Maxkamadda Ciidamadda Puntland.

MUUQAALKA MAXKAMADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM