Maxaa ka jira iney wadahadalo u socdaan Madaxweyne Gaas iyo Muuse Biixi?

Image

GAROWE- Waxaa weli taagan colaada u dhexeysa Puntland iyo Somaliland iyadoo wararka sheegayaan in diyaargarow ciidan ay wadaan labadaan maamul kuwasoo ciidamo ku guraya jiida hore ee ee Tuulada Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool.

Waxaa dhowaan Garowe soo gaarey Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland isagoo dib uga soo noqdey magaalada Buhoodle isagoo sida warbaahinta faafisey halkaas kala yimid ciidamo kasoo jeeda qaar ka tirsan beelaha daga gobolka Cayn.

Ku xigeenka Puntland Cabdixakim Camey oo hadalo ka jeediyey Buhoodle intii uu joogey iyo magaalo madaxda Garowe ayaan qarsan sida ay uga go'an tahay maamulkiisa inuu dagaal la galayo Somaliland isagoo ku wacyi galinayey dadka degan degaankaas dib u xoreynta gobolada maqan.

Somaliland ayaa sidoo kale wararka ka imaanaya dhinaceeda waxaa ay sheegayaan in ciidamo ku soo gurmayeen jiida hore ee Tukaraq maalmihii la soo dhaafey halkaasoo la xusey in gadiid cusub ee dagaal soo gaareen.

Ma jirto waan muuqata ee laga dhexwado labadaan maamul balse waxaa jira warar warsidaha Garowe online ka heley qaar ka tirsan diplomaasiyiinta ku sugan Nairobi kuwasoo sheegaya iney socdaan wadahadalo qarsoodi ah ee u dhexeeya madaxda Puntland gaar ahaan Madaxweyne Gaas iyo Somaliland 'Muuse Biixi".

Wadahadalkaan ayaa wararku sheegayaan in Qaramada Midoobey iyo Mareykanka oo aad u daneynaya in colaadaan la joojiyo u xilsaareen iney wado dowlada Ethiopia oo la rumeysan yahay iney xiriir dhow la leedahay maamulada Puntland iyo Somaliland.

Dhexdhexaadintaan qarsoodiga ah ee dalka Ethiopia wado ayaa waxaa saldhig u ah in Madaxweyne Muuse Biixi ciidankiisa dib ugu noqdo Gambaro halka Puntland dib ugu soo noqoneyso tuulada Tukaraq.

Maamulka Somaliland ayaa sida wararka aan ku helyno ku xirey shuruud ka bixistiisa Tukaraq taasoo ah in ciidamada Puntland aysan soo daba-galin weerarna ku soo qaadin fariisonkooda cusub "Gambara".

Lama oga halka ay gaari doonaan wadahadalkaan qarsoodiga ah ee la sheegey iney u dhexeeyaan labadaan maamul iyadoo la ogsoon yahay in horey ay u burbureen heshiis dowlada Mareykanka dhexdhexaadineysay kaasoo ahaa in dagaal dambe uusan dhicin. Iney jiraan wadahadalaladaan ayaa waxaa saxaafada u sheegey gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe isagoo sheegey in heshiis dhinaca taleefanka ah oo ay wada-gaareen labadaan Maamul, ay Puntland jabisay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

" Waxaa jira kacdoon shacab kasoo looga soo horjeedo duulaanka Somaliland ee Tukaraq taasoo ay adag tahay in Madaxweyne Gaas oo lagu yaqaan inuu si qarsoodi ah ku hogaamiyo siyaasada Puntland hor-istaago." sidaas waxaa Go u sheegey mid kamid ah dadka daga magaalada Garowe oo diidey magaciisa.

Madaxweynaha dowlada Puntland oo kulan kaga qayb galaya magaalada Baydhabo ayaa qayb ka ahaa heshiis madaxda maamulada la saxiixeen dowlada Federaalka ah kasoo lagaga hadlayey arimaha amaanka, qaybsiga khayraadka iyo qaabka ay u dhacayaan doorashooyinka Soomaaliya 2020.

Gaas ayaa xilka Madaxweyne ee Puntland waxaa uga harey muddo ka yar 6 bilood iyadoo la filayo in maamulkaas doorasho ka dhacdo bilowga sanadka 2019.

Warmurtiyeedkii kasoo baxay kulanka Baydhabo oo laga hadlayey amniga dalka ayaa gabi ahaanba lagu soo hadal qaadin colaada ka taagan Tukaraq taasoo dad badan qabaan in ay saameyn ku leeyahay daganaansha guud ee dalka.

Madaxda maamulada gaar ahaan kuwa Federaalka ayaa wadahadalka Baydhabo diirada ku saarey arimo si gaar ah ay u daneynayeen kuwasoo ay kamid ahaayeen qaybsiga Khayraadka dalka iyo qaabka doorashada u dhaceyso marka la gaaro sanadka 2020.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM