Maxaa kusoo kordhay Xaaladda Tukaraq?

Image

TUKARAQ, Puntland - Gollaha Wasiiradda Puntland iyo Somaliland ayaa soo saarey go'aanno ku saabsan xaaladda Tukaraq oo Ciidamada labada maamul ay isku hor-fadhiyeen tan iyo bishii January ee 2018-ka.

Puntland ayaa shaacisay inay ku jirto xaalad diyaar-garow ah oo ku aadan duulaan ka dhan ah Somaliland kadib Kulan aan caadi ahayn oo Gollaha Wasiiradda maamulka ku yeesheen magaalada Garowe. [Halkan ka akhri Warka].

Sidoo kale, Gollaha Wasiiradda Somaliland ayaa soo saarey bayaan ay ku sheegeen inay diyaar u yihiin Ciidamada maamulka Hargeysa inay iska difaacaan duulaan uga yimaada dhanka Puntland. [Warka halkan ka akhri].

Hadalladan xanafta leh, ee iska soo horjeeda ayaa sii kiciyay xaaladda colaadeed ee ka taagan deegaanka Tukaraq, halkaasi oo wararka aanka helayno ay sheegayaan in Ciidamada labada maamul ay isku jiraan masaafo dhaw oo isku muuqda.

Waxaa jirta cabsi xooggan oo ku aadan in dagaalka uu qarxi karo marwalba maadaama ay socdaan dhaq-dhaaqaaqyo ciidan oo labada dhinac ay sameynayaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in roobab culus oo labadii maalmood ka da'ayay deegaanka ay hakiyeen dhaq-dhaqaaqyada, iyadoo Ciidamada iska soo horjeeda ay ku adag tahay inay dagaalamaan hadii ay laamiga ka baxaan.

Baaqyo caalami ah iyo kuwa maxali ah oo loo jeediyay Somaliland iyo Puntland oo ku aadan colaadda Tukaraq ayaa noqday kuwa dhegaha laga fureystay, oo dhiancyada u durbaan tumanayaan dagaal horleh.

Deegaanka Tukaraq oo qiyaastii 81Km dhanka waqooyi uga beegan magaalada Garoowe ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Somaliland 8-dii bishii Januray ee sanadkan xili Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku joogay Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM