Somaliland oo Go'aan cusub kasoo saartey colaadda Tukaraq

Image

HARGEYSA, Somaliland - Gollaha Wasiiradda maamulka Somaliland ayaa kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen xalay oo Sabti ahayd waxay uga hadleen xaalada deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, oo 15-kii bishan uu dagaal ka dhacay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir gudoominayay kulankaan, kaasi oo ay kasoo qeyb galeen qaar kamid ah madaxdii horey usoo martay Somaliland, wasiirada hadda ka tirsan xukuumadda iyo waliba xubno kale.

Marka uu soo gabagaboobay shirka, waxay Xukuumadda ku dhawaaqday in Somaliland ay diyaar u tahay inay is-difaacdo hadii  dhulkeeda duulaan uga yimaada dhinac dibadda.

Sidoo kale, bayaanka kasoo baxay kulanka ayaa waxaa lagu eedeeyay Puntland inay kusoo xad-gudbeyso dhulka Somaliland, sidaas darteeda wax walba oo ciwaaqib-xumo oo ka dhasha ay iyada dusha u ridan doonto.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu beeniyay eedayn ka timid Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, taasoo ahayd in Somaliland ay taageerto kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, waxaana warkaasi Somaliland ku tilmaamtay mid aan waxba ka jirin.

Shirkan deg deg ah ee wasiirada Somaliland ayaa imaanayaa saacado kadib kulankii aan caadiga aheyn ee Gollaha Wasiirada Puntland shalay ku yeesheen Garoowe, kaasi oo looga dhawaaqay u diyaar-garowga dagaal ka dhan ah maamulka Hargeysa. [Halkan ka akhri Warka].

Xaalada Tukaraq ee gobolka Sool ayaa hadda waxay tahay mid degan, inkastoo dadka deegaanka ay kusoo waramayaa in labada maamul ay ciidamadooda isku hor-fadhiyaa duleedka, waxaana mar kasta suurtagal ah inuu dagaal dib u qarxo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM