Madaxweynihii hore ee Puntland oo ku geeriyooday magaalada Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland kana mid ahaa aas-aasayaashii maamulkan ka tirsan federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa xalay ku geeriyooday caasimada Kenya ee Nairobi.

Inkasta oo aan wali la shaacin sababta dhabta ah ee keentay geeridiisa, marxuumka ayaa waxaa la filayaa in la aaso saacadaha soo aadan.

Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha talada haya ee Puntland, ayaa ka tacsiiyey geerida Maxamed Cabdi Xaashi, sidda lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda dowladda Puntland.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu uga tacsiyaynayaa geerida marxuumka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa," ayaa la raaciyey qoraalka.

Maxamed Cabdi Xaashi oo sidoo kale ahaa madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland ayaa xafiiska joogay intii u dhaxeysay 1998-2004.

Xilka madaxweynaha ayuu hayey muddo lix bilood oo ah 10, Oktoobar, 2004 ilaa 8, Janaayo, 2005 markii AUN Cabdullaahi Yuusuf oo uu ku xigeen u ahaa uu baarlamaanka Soomaaliya u doorteen madaxweynaha dalka.

Marxuumka oo kamid ahaa bud-dhigeyaashii dimuqraadiyada iyo xil-wareejinta xasilooni kadib doorashooyinka ayaa aas-aaskii dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ka hor wuxuu ahaa guddoomiyihii xisbigii loo yaqiinay USP.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM