Musharax Saciid Deni oo si wayn loogu soo dhaweeyay London

Image
Image
Image
Image

LONDON, UK - Siyaasiga Siciid Cabdullaahi Deni, oo ah Murashax Madaxweyne doorashadda Puntland ee 2019, ayaa gaaray magaaladda London ee caasimada UK , halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool caasimada dalka Ingiriiska ayaa ka qeyb-galay soo dhaweynta musharaxa, sheegay inay ku farax-san yihiin inuu kusoo booqdo wadanka Britain.

Deni ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK, iyadoo habeenka soo socda ee Jimcaha la qaban doono munaasabad wayn, taasi oo uu ka jeedin doono khudbad uu uga hadli doono xaaladda dalka guud ahaan, gaar ahaan Puntland.

Murashax Deni oo ah Ganacsadde iyo siyaasi Soomaaliyeed oo xilal kala duwan dalka kasoo qabtay, ayaa waxuu kamid ahaa shaqsiyaadkii isku soo taagay doorashadii madaxweyne, uu kusoo baxay Farmaajo Febuary, 2017-dii.

Si kastaba, Doorashada Puntland ee 2019-ka, ayaa waxaa ku tartamaya siyaasiyiin kala duwan kuwasoo qaar horey u shaaciyay musharaxnimadooda, halka qaar kale la filayo bilaha soo socda iney ku dhawaaqaan, waxayna leedahay xiiso gaar ah madaama Madaxweynaha hada haya talada Cabdiweli Gaas uu sheegayo inuusan sharaxneyn, balse wararka ay xusayaan inuu tartamayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM