Musharaxiinta Puntland oo khudbado u jeedinaya Gollaha Wakiilada

Image

GAROWE, Puntland - Musharaxiinta Madaxwaynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah ay hadal-jeedin sameeyaan, iyagoo Xildhibaanada usoo bandhigi doono barnaamijkooda siyaasadeed iyo taariikhdooda.

Musharax waliba waxuu haystaa 15 daqiiqadood, oo kula hadli doono Gollaha Wakiiladda.

Amniga Garowe ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana la arkayaa ciidamo dheerad ah oo lagu soo daabulay guud ahaan wadooyinka soo gala xarunta Aqalka Wakiilada.

Guddiga doorashada ayaa shalay soo gaba-gabeeyay labo maalin oo diiwaangelin ah, iyadoo uu soo saarey liiska rasmiga ah ee Musharaxiinta u tartamaya xilalka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa 8-da January 2019.

Waxaa shuruudaha buuxiyay 21-musharax Madaxweyne, oo uu ku jira Cabdiweli Gaas, oo shantii sano ee uu hayay talada ka lumiyay Puntland fursado qaali ah, islamarkaana dayacay amniga iyo 11 kale oo u diiwaan-gashan Madaxwayne ku xigeenka DPL.

Maalin berri ah ayaa la filayaa inay doorashadda ka qabsoonto magaalo madaxda Puntland ee Garowe, iyadoo aysan ka qeyb-gali doonin wafdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Somalia, kadib markii Wasaaradda Amniga PL u diiday.

Madaxwaynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole, saraakiil ciidan iyo Isimada ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Gollaha Wakiilada inay ka fiirsadaan codkooda meesha ay dhigayaan, islamarkaana ay doortaan shaqsi ku haboon hogaaminta Puntland.

Garowe Online, kala soco si toos ah Khudbadaha Musharixiinta ay jeedinayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM