Nicholas Key oo laga filayo Garowe, heshiis laga gaarey wadahadalka

Image

AXAD, 10 October, 2014 [GO]- Wararka warsidaha GO ka helayo kulanka uga socda xarunta Wasaarada Caafimaadka magaalo madaxda Puntland gudiyada loo xilsaarey wadaxajoodka u dhexeeya dowlada Federaalka Somalia iyo dowlada Puntland ayaa waxaa laga gaarey hesiis kmg ah.

Wararka ayaa sheegaya in dhamaan 11 qodob ee laga doodayey shaley iyo maanta [ 9 Oct, 10 Oct,2014] la isku af-gartey iyadoo caawa lo xilsaarey iney qoraal kooban kasoo diyaariyaan guddiyo hoosaad labada dhinac iska qabteen.

Qoralkaan ayaa la filayaa in maalinta berri ah loo gudbiyo Ra'isal wasaaraha Somalia Cabdiweli Shiikh Axmad Maxamad iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas kuwaasoo la filayo iney saxiixaan.

Dhinaca kale waxaa magaalada Garowe ku soo wajahan maalinta berri ah [Isniin] wafti ka socda beesha caalamka ee uu hogaaminayo ergeyga Qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia Nicholas Key.

Waftigaan ayaa waxaa kamid ah sidoo kale ergeyga IGAD u qaabilsan Somalia Maxamad Cabdi Afey iyo saraakiil ka socota midowga Yurub.

Hehsiiskaan la filayo in maalinta berri ah [ Isniin] ama Talaadada la saxiixi ayaa noqonaya kii Afraad ee dowlada Federaalka iyo dowlada Puntland kala sixiixdaan kuwaasoo dhamaantood aysan waxba ka hirgalin.

Dhamaan heshiisyada ay kala saxiixdeen ayaa waxaa kor kala socdey beesha caalamka kuwaasoo aan ku cadaadin madaxdii dowlada Federaalka iyo kuwa KMG ah ansaxintooda.

Shacabka Puntland iyo dowladahooda xilalka kala duwan kasoo qabtey oo qayb kaalin libaax ka soo qaatey dhismaha qaran Somaliyeed ayaa filaya in khilaafkaan oo in muddo ah soo jiitamayey guul laga garo maalmaha soo socda.

Halkaan ka akhri heshiisyada dowladihii hore ee Puntland la gaareen madaxdii DKMG ah iyo DFS.

1- Heshiiska dowlada Puntland iyo DKMG ah ee Somalia 

2- Heshiis dowlada Puntland iyo dowlada Federaalka Somalia [ Xasan Shiikh]

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM