Puntland: Camey oo ka laabtey Dacwad uu kusoo oogay Gaas [Akhri]

Image

GAROWE, Puntland - Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey), Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu dib uga labtey Dacwad uu ka gudbiyay Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaadey, Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas".

Camey ayaa sheegay inuu joojiyay dacawaddii u gudbiyay Maxkamadda sare ee Puntland 6-dii bishan, taasoo uu wakiil uga ahaa qareenada Cabdiweli Saciid iyo Sheekh Saciid Axmed Faarax kadib markii uu eegy duruufaha dalka ka jira.

Dacwadda ayaa ku aadaneyd Murankii ka dhashay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Gollaha Wakiiladda, ee isaga iyo Cabdiweli Gaas ay kala magacaabeen, taasoo ka dhalatay khilaaf xooggan oo labada mas'uul u dhaxeeya.

Puntland ma lahan xilligan Maxkamad Dastuuri ah, balse bedelkeeda kiisaska khilaafka madaxda sare waxaa dhageysata Maxkamadda sare. [Halkan ka akhri].

HALKAN KA AKHRI WARQADDA CAMEY:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM