Puntland: Dhalinyaro Garoowe laga Afduubtay oo xorriyadooda helay

Image

GAROOWE, Puntland- Waxaa maanta dib xorriyadoodii u helay labo wiil oo ah dhalinyaro kasoo jeeda maamulka Somaliland, kuwaasoo dhawaan laga afduubtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Wiilshan kala ah; Cabdulqaadir Axmed Guuleed iyo Xamse Maxamed Axmed, ayaa xorriyadooda waayay ku dhawaad 10 bari kahor, kadib markii ay qafaasheen rag la sheegay inay isku hayb yihiin nin ku xiran magaalada Burco ee xarunta Togdheer.

Ninkaas oo u xiran maamulka Somaliland, ayaa lagu eedeeyay inuu kufsaday gabar 9 sano jir ah, inkastoo ehelkiisa iyo dadkii ay dariska ahaayeen arrintaas ku tilmaameen been abuur.

Soo celinta xorriyada dhalinyaradan ayaa waxaa ka shaqeeyay isimada gobolka Nugal, waxgaradka iyo dalladda ururrada aan dowliga ahayn ee PUNSAA.

Munaasabad lagu shaacinyay sii daynta dhalinyaradan ayaa goordhaweyd ka dhacday guriga Islaam Ciise Islaam Maxamed oo lagu soo wareejiyay labada wiil.

Islaam Ciise oo hadal kooban jeediyay ayaa raali galin ka bixiyay arrintan oo uu tilmaamay inaysan caado u ahayn shacabka gobolka Nugal iyo guud ahaan Puntland, wuxuuna intaas ku daray su’aal uu wediyay dhalinyarada oo u dhacaysay in loo gaystay dhibaato ka baxsan ka qaadista xorriyadooda.

Xamse iyo Cabdulqaadir, ayaase ku jawaabay in si wanaagsan loola dhaqmay islamarkaana lagu hayay meel baadiye ah.

Islaamka, ayaa ugu dambay dhalinyarada ku wareejiyay dallada ururrada aan dowliga ahayn ee PUNSAA, wuxuuna xusay inay ka shaqeeyaan sidii labadan wiil iyagoo nabadoona loona dhammaystiray baahidii ay markii hore Garoowe u yimaadeen lagu celiyo gurigoodii.

Taliye ku-xigeenka 2aad ee ciidanka Booliiska Puntland, General Afdalow oo goobta wareejinta dhalinyarada joogay ayaa sheegay in Somaliland iyo Puntland ay ka dhaxayso wada-shaqayn ah inay isu celiyaan maxaabiista, wuxuuna ka dalbaday in lagu soo wareejiyo ninka ku xiran magaalada Burco.

Waa markii ugu horaysay oo dhalinyaro kasoo jeeda Somaliland lagu afduubto magaalada Garoowe, waxaana arrintan ay timaaday xilli ay doonayeen inay qaataan Baasaboorka dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM