Puntland: Gaas oo ka hadlay safarkii Imaaraadka iyo Qaraxii Galkacyo

Image

BOOSAASO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, wuxuuna ka hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya safarkiisii Imaaraadka, Qaraxii ka dhacay Galkacyo ee xaaladda magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Soo dhaweyn ballaaran ayaa loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxaana ka qayb galay xubno katirsan golayaasha dowladda, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso.

Guddoomiyaha gobolka Bari oo hadal soo dhaweyn ah ka jeediyay madal uu Madaxweynuhu shir jaraa'id ku qabtay ayaa soo dhaweeyay safarkii Gaas ee dalka Imaaraadka wuxuuna ku tilmaamay mid taariikhda la galay oo bad-baadiyay shacabka Soomaaliyeed iyo kan Puntland.

"Mudane Madaxweyne waxaa dadkii kugu soo dhaweeyay Garoonka ujeedadoodu ahayd safarkii Taariikhiga ahaa ee Badbaadinta Puntland iyo Badbaadinta Soomaaliyaba khuseeyay ee aad Imaaraadka ugu tagtay aad iyo aad baanu kaaga mahadcelinaynaa safarkaas oo ahaa mid Taariikhda galay, mida umadda Soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntland-ba ay muddo ka sheekayn doonaan hadii ILAAHAY yiraahdo aad baanu kaaga mahadcelinaynaa kalsoonida iyo mas'uuliyadda qof ahaaneed ee aad qaadateen adiga iyo wafdigaagu aad ku tagteen waddanka Imaaraadka Carabta.” Sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo).

Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in safarkii uu ku tagay Imaaraadka uu kusoo dhammaaday guul islamarkaana uu khuseeyay Amniga iyo hormarinta Kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

“Muddo Asbuuc ah ayaan ku maqnaa waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ani iyo wafdi Puntland ah oo wasiirro iyo mas’uuliyiin kale isugu jira, dabcan markii aan tagayay ayaan ka warhelay sababta aan u aadayo waddankaas oo ah arrimo la xariira amniga Puntland iyo hormarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland, labaas arrimood ayaa u weyna sababta aan waddankaas u aadnay iyagana wada-hadalkii aan galnay wuxuu noogu soo dhammaaday Guul,” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Isagoo sii hadlaya wuxuu xusay in dalkaas ay ka codsaday fulinta mashaariic dheeri ah, kuwaasoo uu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo hirgalin doono.

“Waxaan sidoo kale dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta aan ka codsanay in mashaariic dheeri ah ay ka hirgaliyaan Puntland, gaar ahaan dhanka Waxbarashada, Caafimaad, Biyaha iyo wixii lamid ah, Guul ayaan rajaynayaa hadii ALLE Idmo iyo in mashaariicdaas isa soo taraan waqti aan dheerayn,” Gaas ayaa sidaas sheegay.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku dhuftay in waddanka Imaaraadka uu kala soo hadlay xaaladda waddanka iyo dhibaatooyinka ka jira, “Dabcan dhanka kalena, hadii aan meesha tagay wixii shido ah ee jira oo dadka Soomaaliyeed qabaan wixii igaga aadan ka mas’uul ahaan wixii iga aadan inaan ka iraahdo waa igaga haboonayd, wixii wanaag ahna waan ka iri, wixii la isugu soo dhaweyn kara Soomaali iyo Imaaraadna wixii nagaga aadanaa ka wafdi ahaan waan ka niri.”

Gaas ayaa intaas raacshay in labada waddan iyo shacabkoodu kala maarmin islamarkaana haboontahay in la sameeyo tallaaba kasta oo lagu xallin karo khilaafaadka jira.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa ka hadlay qaraxii Sabtidii ka dhacay magaalada Galkacyo ee lagu dilay saraakiil katirsan Ciidamada Isku dhafka gobolka Mudug, wuxuuna tacsi u diray ehelkii iyo umadda Soomaaliyeed ee ay ka tageen.

Dhibaatada ka taagan gobolka Hiiraan ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay in dhammaan maamul goboleedyadu ka direen baaq lagu wajahay dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka islamarkaana codsadeen in gargaar lala gaaro shacabka gobolka Hiiraan.

Gaas ayaa ballan qaaday in ka Puntland ahaan wixii ay tari karaan shacabkaas ay diyaar la yihiin islamarkaana muhiim tahay in la bad-baadiyo dadka dhibaatadu ka soo gaartay masiibada ka dalatay fatahaada wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Puntland ayaa muddo Asbuuc ah ku maqnaa waddanka Imaaraadka, wuxuuna tagay kadib markii uu aad u xumaaday xiriirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada, balse Puntland ay ka biyo diiday tallaabada ay qaatay dowladda dhexe islamarkaana Imaaraadka ku tilmaamay inuu yahay waddan kaalin laxaad leh ka gaystay taakulaynta dhinaca amniga ee maamulkan.

GAROW ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM