Puntland iyo Galmudug oo Farmaajo wadajir ugu soo dhaweeyay Galkacyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galinkii dambe maanta gaaray magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana halkaas si wadajir ah ugu soo dhaweeyay madaxda labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa garoonka Cabdullaahi Yuusuf iyo gudaha magaalada Galkacyo ku sugayay boqolaal kamid ah shacabka magaalada oo kala kal yimid labada dhinac ee Waqooyi iyo Koonfur.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la arkayay ciidamo aad u badan oo ku sugnaa waddooyinka muhiimka ah iyo goobaha dadweynuhu isugu soo baxeen.

Madaxweynaha ayaa Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa safar dhinaca cirka ah kaga soo kicitimay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo uu ku joogay booqasho qaadatay labo maalmood.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Gaalkacyo uga bilaaban doontaa booqasho uu ku marayo deegaano ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlayay boqolaal kamid ah shacabkii soo dhaweynayay, wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqayn doono amniga iyo midaynta dadka walaalaha ah ee kala qaybsan.

"Safarkan waa safarkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaan muhiimadda siinayaa oo ah muhiimadeena koowaad, muhiimadda dowladda Soomaaliya iyo muhiimadda cid walba inaan midayno magaaladan kala qaybsan," sidaas waxaa yiri Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa caawa ku sugnaan doona dhinaca Puntland ka maamusho magaalada Galkacyo isagoo maalinta barri ah tagi doona dhinaca Galmudug, sida uu Garowe Online u sheegay mid kamid ah saraakiisha Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Waa booqashadii ugu horaysay ee Madaxweyne Farmaajo ku tago Galkacyo oo ah magaalo ay ka taliyaan labo maamul, inkastoo hal ku dhigyadii maanta lagu soo dhaweeyay ay kamid ahaayeen "Madaxweyne Midee Magaalo kala qaybsan".

Farmaajo ayaa Puntland soo gaaray Axadii lasoo dhaafay, wuxuuna socdaalkiisan ugu magac daray Safarkii Nabadda iyo Midnimada kaasoo uga bilowday magaalada Garoowe.

Madaxweynaha ayaa mudadii uu ku sugnaa Puntland, wuxuu xariga ka jaray mashaariic kala duwan halka uu dhagax dhigay waddooyin muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM