Puntland: Madaxtooyadda oo ka jawaabtey eedo loo jeediyay

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxtooyadda Puntland ayaa ka jawaabtey eedaymo kaga yimid wasiirkii hore ee Wasaarada Degaanka iyo Isbedalka Cilimada, Cali Cabdullaahi Warsame, kaasoo ku dhawaaqey inuu is-casiley shalay oo Axad ahayd.

Wasiir Warsame ayaa is-casilaadiisa sal kaga dhigey eedaymo culus oo isugu jira, musuq-maasuq, fashil dhinacyadda amniga ah, siyaasadda, dhaqaalaha iyo faragelin howlaha wasaaradiisa lagu sameeyey. [Halkan ka akhri Warka]

Biyaha dhaca eedaymaha culus ee Warsame ujeediyey maamulka Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, waxaa jawaab waafi ah ka bixisey Madaxtooyadda, taasoo gabi ahaanba gaashaanka ku dhufatay.

- Qodobka koowaad -

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Degaanka ayaa ugu horeyn wuxuu tibaaxey in mashruuc lagu dhisayey Wadooyin isku jira magaalooyin gobolka Mudug ka tirsan la musuq-maasuq, iyo Ceelal laga qodi lahaa.

Balse, Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdullaahi Maxamed Cali Quraan Jecel ayaa sheegay in arrintaan aysan waxba ja jirin, ayna isku qabteen Wasiirka iyo Madaxwayne Gaas in Ceelasha loo rogo Daaman Biyood.

Dhismaha wadada oo uu wasiirku shaaciyey inay fashilantey ayuu beeniyay Afhayeenka, isaga oo ku nuux-nuux sadey in dhowaan dib loo bilaabey, inkasta oo aanan la haynin war rasmi ah oo Hay'adda dhiseysa kasoo baxay.

- Qodobka labaad -

Warsame ayaa eedaymaha uu soo jeediyey waxaa kamid ah in mashruuca Adkeysiga Abaaraha, isaga oo ku doodaya in loogu talagaley inay maamusho Wasaaradiisa, laakiin laga leexiyey.

Dhaqalaaha ayuu ku nuux-nuux sadey in loo adeegsadey dano shaqsiyaad, taasoo uu afka ku balaariyey inay ka dambeyso Madaxtooyadda, gaar ahaan xafiiska Cabdiwali Maxamed Cali.

Hasa yeeshee, waxaa eedaymahaasi ku gacan-saarey Afhayeenk Quraan Jecel, kaasi oo bidhaamiyey in maamulida mashruucani ay leedahay Wasaarada Horumarinta, aysana shaqo ku laheyn Wasaarada Horumarinta.

- Qodobka saddexaad -

Hay'addaha Biyaha Puntland ee PASWEYN, taasi oo dhowaan ka dhisey ayuu Wasiirkii hore ee degaanka sheegay inay maroorsatey shaqooyin ay lahayd wasaaradiisa, taasoo xafiiska Gaas laga soo abaabuley, siduu hadalka udhigey.

Warsame oo war-saxaafadeedka uu soo saarey nuqul kamid ah soo gaarsiiyey Warsidaha Garowe Online ku sheegay in Madaxwaynaha Puntland uu faragelin ku hayo shaqadii Hay'adda PASWEYN, wallow Afhayeenka Madaxtooyada uu beeniyey.

"Hay'addaha Puntland ma ahan kuwa faragelin uu ku sameeyo Madaxwaynaha. Shaqooyinkooda waxay yihiin kuwa umadax banaan. Awoodahana waxaa u kala xadidey Gollayaasha sharciga, sida ku cad Dukmiintiga soo baxey," ayuu kusoo xirey hadalkiisa Afhayeenka.

Tani ayaa kusoo beegmaysa xilli musuq-maasuqa Xukuumadda Cabdiweli Gaas gaareyy heerkii ugu sareeyay, iyadoo dhawaan dowladda Jarmalka joojisay mashruucii wadada Xarfo iyo Jalam, oo ahaa mashruuc faa'ido badan u leh shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM