Puntland: Manhajka Farsamada Gacanta oo la ansixiyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland lagu ansixiyay Manhajkii ugu horeeyay ee Farsamada gacnta kaasoo hagi doona duruusta lagu dhigayo iskuulaadka xirfadaha lagu barto, kadib munaasabad lagu qabtay xarunta wasaaradda waxbarashada Puntland.

Hay'adda Save the Children ayaa wasaaradda waxbarashada Puntland ka taageertay ansixinta Manhajkan oo loo adeegsan doono 8 Maado oo kala ah; Barashada Harqaanka, Faryaamada, Makaanikada, qaabaynta birta, Dhismaha, Dhaqashada Xoolaha, Korontada iyo Tuubaystenimada.

Madooyinkan ayaa manhajku dhigayaa in Ardayga ka baxaa la siin doono shahaado u dhiganta Diblooma oo lagu qaadanayo muddo saddex sano iyo bar ah.

Sidoo kale Save ayaa horay u dhammaystirtay qorshe howleedka Dugsiyada farsamada gacanta ay ku dhaqmi doonaan shanta sano ee soo socota {TVET Strategic 2017-2021}.

Kahor inta aan la ansixin Manhajkan oo ay diyaariyeen khuburo ka socotay Jaamacadda [Technical University of Kenya], ayaa muddo labo bari ah waxaa ka doodayay oo fal celin ka samaynayay xeel-dheerayaasha ka shaqeeya barnaamijyada farsamada gacanta ee Puntland.

Xiriiriyaha Mashaariicda Waxbarashada ee hay'adda Save The Children, Maxamed Casayr, ayaa goobta ka sheegay inay diyaar u yihiin sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadaha gacanta wuxuuna u mahadceliyay khubarada ka shaqaysay in manhajkan la diyaariyo.

Casayr, wuxuu tilmaamay in hormarku ku jiro xirfadaha, sidaas daraadeed loo baahanyahay in dadku ku baraarugaan oo ay waddanka ku hormariyaan.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada Puntland, Maxamed Cabdulqaadir, ayaa xusay in wasaaraddu diyaar u tahay inay ka shaqayso sidii manhajkan loo dhaqan galin lahaa islamarkaana loo midayn lahaa iskuulaadka farsamada gacanta ee ku yaalla deegaanada Puntland.

Maxamed, ayaa intaas ku daray in shaqada farsamada ay tahay mida ugu hodansan ee qofku waxna ku qabsan karo dalkana ku afici karo, sidaas awgeed loo baahanyahay in lagu dhiirado oo aan loo qaadan inay tahay xirfad ay is-ticmaalaan dad gooni ah.

Manhajkan ayaa yimid xilli ay jiraan iskuulo badan oo taageero ka hela hay'ado kuwaasoo bixiya koorsooyin la qaato muddo kooban oo wax lagu baro dad u badan haween iyo dhalinyaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM