Puntland: Maxaa kasoo baxay Kulanka Keating iyo Cabdiweli Gaas?

Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland - Sida uu Warsidaha Garowe Online, horey u baahiyay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo Sabti ah gaarey magaaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Wafdiga ayaa soo dhawayn kadib loo gal-biyey aqalka Madaxtooyada Puntland, waxaana halkaasi kulan xasaasi ah kuwada yeeshey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] iyo Keating, kaasoo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka markuu soo gaba gaboobay, ayaa waxay qabteen labada masuul [Cabdiweli Gaas iyo Danjire Keating] shir jaraa’id, kaasoo ay uga warbixiyeen waxyaabaha ay ku faa’iqideen kulankooda oo qaatay saacado badan.

Madaxweynaha Puntland oo hadalka ku horeeyay ayaa wuxuu sheegay inuu kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, arrimo muhiim ah, oo ay ka jiraan amniga, Siyaasadda iyo horumarka dalka.

“Wax aanan ka hadlin ma jiraan. Waxaan kawada hadlay amniga guud ee dalka, geedi socdka nabada ee Soomaaliya, Federaalka, Dasuurka iyo isbedalka siyaasadeed ee dalka ka dhacay,” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Gaas wuxuu cadeeyay in wax walba oo uu kala hadlay Danjiraha ay isku afgarteen, islamarkaana kulankooda uu ahaa mid ku dhacay Jawi degan, sida uu hadalka u dhigay.

Dhiniciisa, Michael Keating oo hadalka qaatay ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxda Puntland oo uu la shiray uu kala hadlay xaalada guud ee dalka, gaara ahaan xiisada Puntland iyo Somaliland ee ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

“[Safarkaan] wuxuu qeyb ka yahay masuuliyada ah inaan booqdo xarumaha dowlad goboleedyadda dalka. Waxaana kala hadlay Madaxweyne Gaas, arrimo badan oo muhiim ah,” ayuu Keating hadalkiisa ku bilaabay.

Wuxuu kaloo daboolka ka qaaday inuu Gaas kala hadlay shir lagu wado inuu maalinta Berri ka furmo Magaalada Beydhabo, ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed, kaasoo looga hadli doono is-kaashi dhexmara dowladaha hoose ee maamul goboleedyadda.

“Waxaan kaloo isla soo qaadnay arrimo ku saabsan shirka dib-u-eegida Dastuurka ee [Muqdisho ka furmi doona]. Waxaan kaloo kala hadlay xaalada amaan ee dalka, taasoo Puntland ay wax badan ka qabatay,” ayuu Keating raaciyay hadalkiisa.

“Waxaan kaloo rabaa inaan sheego inaan kawada hadlaynay xiisada Puntland iyo Somaliland, ee deegaanka Tukuraq iyo sidii loo joojin lahaa. Laakiin, waxa ugu muhiimsan ayaa ah nabad-galyadda guud ee dalka ka hor doorashada 2020,” ayuu hadalkiisa kusoo koobay Keating.

Booqashada uu Keating ku tegay Puntland ayaa imaaneya iyadoo xiriirka maamulka Cabdiweli Gaas iyo dowlada Federaalka uu yahay aan sal fadhiya lahayn, kadib markii ay isku maan-dhaafeen go’aanka xukuumada Muqdisho ka qaadatay xiisada Khaliijka.

Sidoo kale, wuxuu kusoo aadayaa iyadoo xiisada dagaal oo u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ay ka taagan tahay deegaanka Tukaraq, halkaasoo Ciidamada maamulka Hargeysa ay la wareegin 8-dii January, ee horaantii sanadkan.

Gaas iyo Keating ma aysan kawada hadlin khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waa markii lixaad uu Micheal Keating booqasho ku tago deegaanada Puntland, waxaaana markii ugu damebysay ee uu tago ay ahayd 600 [Lix boqol] oo maalmood ka hor, markaasoo safar ku tegay xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

hALKAN KA DAAWO SHIRKA JARAA'ID:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM