Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo ku soo wajahan Puntland [Sababta]

Image

GAROOWE- Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa sida warsidaha Garowe online ogaadey ku soo wajahan magaalo madaxda Puntland ee Garoowe maalinta berri ah.

Wakiilka ayaa kulamo la qaadan doona madaxda maamulkaas inta uu ku sugan yahay magaalada Garoowe iyadoo la filayo in wadahadalkaan uu diirada saari doona khilaafka u dhexeeya maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka ah.

Micheal Keating ayaa kulamada siyaasdeed ee uu la qaadan jirey madaxda Soomaalida hoos u dhac ku yimaadeen tan iyo intii xilka uu qabtey Madaxweyne Farmaajo.

Qaramada Midoobey iyo wadamada lacagta ku siiya Soomaaliya xalinta mashaakilaadka haysta ayaa welwel ka qaba xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya maamulada Soomaalida iyo dowlada Federaalka, waxayna cabsi weyn ka qabaan in khilaafyadaan siyaasadeed dib u dhac ku keeni doonaan markale geedi socodka loogu jiro in dalkaan lugihiisa dib isugu taago.

Keating iyo qaar ka tirsan wadamada safka hore kaga jira arimaha Soomaaliya ayaa horey qayb uga ahaa in cadaadis lagu saaro siyaasiyiinta Muqdisho iyo maamul goboleedyadu dib ugu noqdaan hab qaybsiga 4.5 ee doorashadii dhacdey horaantii 2017 kadib markii dowladii Xasan Shiikh Madaxweynaha ka ahaa ku guuldareystey in dalkaan gaarsiiso nidaamka Hal Cod Hal qof.

Dhinaca kale Qaramada Midoobey iyo beesha caalamka gaar ahaan Mareykanka iyo Ingriiska ayaa aad uga gaabsadey iney wax hadal ah ku darsadaan saameynta uu ku yeeshey dalka Soomaaliya khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka.

" Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa la filayaa in Madaxweyne Gaas kala hadli doono xaalada ka taagan tuulada Tukaraq halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan labadda maamul ee Somaliland iyo Puntland." sidaas waxaa GO u sheegey sarkaal ka tirsan dowlada Puntland oo diidey magaciisa.

Safarka Keating ee Garoowe ayaa imaanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan oo xoogan ka socdo tuulada Tukaraq iyadoo cabsi weyn laga qabo in halkaas ka qarxo dagaal u dhexeeya labadaan maamul ee dariska ah.

Madaxweynaha Somaliland ayaa horey uga gacansayrey codsi uga yimid Qaramada Midoobey kaasoo ahaa inuu dib ula noqdo ciidamadiisa duulaanka ku qabsadey tuulada Tukaraq.

Keating ayaa sida warsidaha GO ogaadey booqashadiisa uu ku imaan doono Puntland kadib ku wajahan magalaada Hargeysa halkaasoo kula kulmi doono madaxda maamulka Somaliland.

Ciidamada Somaliland ayaa sanadkaan horaantiisa qabsadey tuulada Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool iyadoo muddo gaaban talaabada weerarkaan lagu qaadey ay sharci ka dhigeen Barlamanka mamaulkaas iyo golihiisa xukuumada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM