Puntland: Muxuu Gaas kaga hadlay Khudbadiisii Baarlamaanka? [DAAWO]

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] oo maanta oo Sabti ah furay 41-aad ee Aqalka Wakiiladda Puntland, ayaa wuxuu halkaas ka jeediyay Khudbad dhinacyo kala duwan taabaneysa, oo ku saabsan xaalada guud ee maamulkiisa mudadii uu jiray.

Gaas ayaa wuxuu khudbadiisa diiradda ku saarey wax-qabadka Xukuumadiisa mudada ay xilka haysey, isagoona ka hadlay arrimaha; bulshadda, siyaasadda, ganacsiga, Colaada Sool iyo qodobo kale oo muhiim ah.

- Arrimaha Bulshadda -

Wuxuu ku nuux-nuux saday in dowladiisa ay wax badan ka qabatay arrimaha bulshadda, gaara ahaan caafimaad, waxbarashadda, ganacsiga iyo doorka Haween ee maamulka.

Gaas ayaa wuxuu tilmaamay in ku dhawaad 600,000 oo Bukaan ah lagu dhaweeyay kaliya sanadkaan 2018 guud ahaa Isbitaalada dowladu maamusho ee ku yaala Sagaalka Gobol ee Puntland ka kooban tahay.

Deeqaha waxbarasho ee caalamka laga helo ayuu carabka ku adkeeyay in guud ahaan Gobolada Puntland la gaarsiiyay, inkasta oo ay jireen meelo qaar oo dadku sheegayaan in la musuq-maasuqay.

Doorka Haweenka, ayuu ku cod dheer ku sheegay Gaas inuu ahaa mid wanaagsan, isagoona si gaar ah ugu faanay inay wax badan ka qabatay dowladiisa Kufsiga ama tacadiyadda Haweenka ka dhanka ah ee deegaanada Puntland, oo laga hergeliyay Sheybaar DNA-da lagu baaro.

Abaartii iyo Duufaantii Sagar ee ku dhufatay sanadkaan Puntland, ayuu Gaas qiray in dowladiisa ay si wayn uga gurmatay shacabka, ku bixisay dedaal dheeri ah sidii ay u gargaari lahayd dadkii ay saameysay.

- Arrimaha Siyaasadda -

Gaas ayaa wuxuu sheegay in dowladiisa ay ka ka qabatey siyaasadda arrimaha gudaha ee Puntland, islamarkaana ay hir-gelisay awood is-maamul ee deegaanada hoos-yimaada dowladda Puntland.

Wuxuu ku faanay in gobolo kamid ah Puntland ay laga hir-geliyay mashaariicyo kala duwan oo isugu jira, Xafiisyo, Iskuulo, Jidad la dhisay, Suuqyo iyo waliba Goobo dadku isugu yimaadaan.

Xiriirka Puntland iyo caalamka u dhaxeeya ayuu ku sheegay inuu soo hagaagayey mudadii maamulkiisa uu soo shaqeynayay, islamarkaana uu caalamka uga qeybgalay shirar uu Puntland matalay, kuwaasi oo uu sheegay inuu ka keenay guulo badan.

- Arrimaha Dastuurta -

Dib u eegista Dastuurka KMG ee dalka ayuu Madaxweynaha sheegay inuu yahay mid leysla afgartay wadadii loo mari lahaa, islamarkaana ay ku heshiiyeen madaxda maamulada iyo dowlada Federaalka inuu noqdo Dastuurka cusub mid Soomaaliya leedahay sida ugu dhaqsiyaha badana loo dhemeystiro.

Gaas ayaa sheegay in shirkii Amniga Qaranka ee Baydhabo waxyaabihii la isku afgartay ay kamid ahayd in Dastuurka dalka uu noqdo, mid Soomaaliya leedahay dib u eegistiisa, islamarkaana ka madax banaan gacmo shisheeye.

Wuxuu intaas ku daray heshiis is-fahan ah laga gaarey Qeybsiga Kheyraadka dalka, iyo Kaluumeysiga, islamarkaana Puntland ay ku matalayaan labadduba Wakiilo khibiiro ah.

Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu cadeeyay in heshiis Ku meel gaar ah laga gaarey guud ahaan Kaluumeysiga dalka, islamarkaana loo xil-saarey  Guddi maamulada dalka iyo dowladda ka kooban, kuwaasoo dhaqan-gelinaya qodobada lagu heshiiyay.

- Amniga -

Gaas wuxuu sheegay in Puntland ay duulaan kusoo qaadeenn Al-Shabaab, Daacish iyo maamulka Somaliland, isagoo sheegay in ciidamada dowladda ay mar walba heegan yihiin difaacidda dalkooda.

Laakiin, Gaas ma uusan kusoo hadal qaadin khudbadiisa culeyska ay Puntland ku hayaan dhinacyaddaan weerarka ku ah, wuxuuna ka door-biday inuu ku faano in dowladiisa ay hir-gelisay dhismayaal Saldhigyo Boolis oo deegaanada Puntland laga hergeliyay.

Mudadii ay jirtay dowladda Cabdiwali Gaas, deegaanada Puntland waxaa awood xoog leh ku yeeshay kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaasoo weeraro dhimasho badan sababa ku qaadey xarumaha ciidamada, oo Af Urur iyo Balli-Khadar ay kamid yihiin.

- Maaliyadda -

Wuxuu sheegay in mudadii ay jirtay dowladiisa ay wax badan ka qabatay hagaajinta nidaamka maamaliyadda, islamarkaana Wasaaradda Maaliyadda ay ku guuleystay bixitanka mushaaraadka ciidamada.

Balse, ma uusan soo hadalqaadin Gaas la dagaalanka Musuqa iyo waxa ay ka qabatay dowladiisa, taasoo la rumeysan yahay inay tahay waxyaabihii ugu waa waynaa la degay maamulka Cabdiwali Gaas.

Gaas waxa uu dhawana xilalka ka qaadey Mas'uuliyiin sare oo katirsanaa Wasaaradda Kalluumeysiga, oo lagu eedeeyay musuq-maasuq.

- Colaada gobolka Sool -

Madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa wuxuu gaba gabada Khudbadiisa uu si kulul uga hadlay colaada Sool, oo uu ku tilmaamay inay tahay mid ku saleysan "Been, Isir nacayb iyo Argigixisnimo."

Wuxuu weerar afka ah oo ba'an uu ku qaaday Gaas maamulka Muuse Biixi, oo uu sheegay inay u hanqal taagayo deegaano aysan iyagu lahayn, wuxuuna wacad ku maray in Puntland xorreyn doonto guud ahaan gobolka Sool.

"Gobolka Sool ma ahan meel aan la garayn cida iska leh, ma ahan meel Puntland iyo Somaliland u dhaxeysa, ma ahan goob lagu dawarsado oo Hargeysa Mushaar looga raadsado, ma ahan meel ictaraaf lagu raadsado, dhul iyo Dadba waxaa iska leh Puntland," ayuu Gaas si cad u yiri.

Wuxuu gaashaanka ku dhuftay Gaas warar horey uga soo yeeray maamulka Somaliland, kaasoo ahaa inay wadahadal kala galayaan arrimaha Sool dowladda Federaalka, oo Madaxweyne Muuse Biixi sheegay inay tahay mid ay kula dagaalamayaan Tukaraq.

"Hadaba, Muuse Biixi waxaan leeyahay Laascaanood ma ahan London, Xuduna ma ahan Birmingham, Taleexna ma ahan Cardiff, been yaan la isku sheegin, Laascaanood iyo Garoowe Xuduud makala yeelan doonan taas hala ogaado," ayuu Gaas ku goodiyay.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Gaas ayaa wuxuu cadeeyay in Puntland ay soo dhoweyneyso cid walba oo sama doon ah, si loo xaqiijiyo cida iska leh meelaha ay isku haystaan Puntland iyo Somaliland.

Madaxweyne Gaas hadalkiisa ayaa kusoo beegmaya xilli maalintii shalay Madasha Puntland Focus Group, oo ay ku mideysan yihiin musharaxiin iyo Siyaasiyiin ay walaac ka muujiyeen warar soo baxaya oo sheegay in Xukuumadda hadda jirta ay qorsheynayso Mudo korarsi sharci darro ah. [Halkan ka akhri Warka].

HOOS KA DAAWO KHUDBADA GAAS:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM