Puntland oo bogaadisay hanaanka ay u socoto doorashadda Jubbaland

Puntland
By WARIYAHA GAROWE , GAROWE ONLINE
Xukuumadda Garowe ayaa sidoo kale waxay hambalyo u dirtay Xildhibaanadda maanta la dhaariyay.

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa hambalyo u dirtay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland, kuwaasi oo la dhaariyey maanta oo Talaado ah.

Mudaneyaasha cusub oo tiradooda ay gaareyso 73 ay kamid yihiina haween ayaa waxaa lagu wadaa in ay doortan gudoon rasmi ah kadibna ay u coddeeyan madaxweynaha.

Sidoo kale xukuumadda Garowe oo bogaadisay sida ay u socoto hanaanka doorashooyinka ee Jubaland ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in ay kusoo dhamaadan "guul".

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey