Puntland oo codsi ka dhan ah Goodax Barre u dirtay DF Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland – Wasiirka Waxbarashada Puntland oo si adag uga fal-celiyay hadalo kasoo yeeray Wasiirka Waxbarashada Dowladda federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa ku sifeeyay "kuwa sii kala fogaynaya Umadda Soomaaliyeed".

Wasiir Goodax, ayaa ugu goodiyay Puntland in ardayda halkaasi ku nool aysan heli doonin Shahaadooyinka "maadaama ay diiday ka qaybgalka Imtixaanka mideysan ee dalka".

"Wixii ku saabsan Imtixaanadka iyaga ayaa isku tashan doona," ayuu Cabdullaahi Goodax Bare oo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ah u sheegay warbaahinta ku hadasha dowlada, isbuucii hore.

Cabdullaahi Maxamed Xasan, wasiirka waxbarashada Puntland, ayaa sidoo kale ku tilmaamay hadalada cagajuglaynta ah ee kasoo yeeray Sharcidejiye Goodax Bare "mid siyaasadeysan".

"Wasiir Goodax Bare wuxuu ilaabay in dadka uu u hanjabayo ay yihiin kuwii uu metalayay … wuxuu rabaa in uu god madow ku rido mustaqbalka 15-kun oo arday" ayuu hadalkiisa ku daray Wasiir Cabdullaahi.

Dowlada Federaalka ah gaar ahaan Madaxwayne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre ayuu cod dheer uga dalbaday in ay soo farageliyaan arrinkaan si xaalada loo dejiyo, xalna loo helo.

Khayre ayaa Bishii Julaayo 2018-kii waxa uu shaqada ka eryay Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, wasiirkii waxbarashada, kadib markii uu sheegay in dowlada aqoonsaneen Jamaacadaha dalka.

"Waxaanu dooneynaa in sidaasi ay ugu nug-yeeshaan … arrintaan uu ku kacay Wasiir/Xildhibaan Goodax Bare waxay noola muuqata in ay tahay kala fogeyn iyo wax aan u cuntami Umadda Soomaaliyeed," ayuu xusay.

Sidda uu qabo Dastuurka qabyada ee uu dalku leeyahay, maamulada ayaa u madax banaan in maamushaan arrimo ay kamid tahay waxbarashada. Intaasi waxaa wehlisa in uu jiro heshiis u dhaxeeya dowlada dhexe iyo Puntland.

Heshiisyadaasi oo la saxiixay intii ay xafiiska joogeen Cabdiraxmaan Faroole ayaa u ogolaanaya Puntland in ay maamulato waxbarashada inta dalka ka yeelanayo Manjah lagu mideysan yahay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM