Puntland oo digniin kasoo saartey colaad ka taagan gobolka Sanaag

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Shirkii Golaha Wasiirada Puntland oo uu guddoomiyey Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga Guud.

Wasiiradda ayaa Baaq Nabadeed u diray xaaladda colaadeed ee ka jirta degaanka Shidan ee gobolka Sanaag iyadoo Goluhu uu uga digey cid kastoo hurinta ka qeyb qaadanaysa in ay ka waantowdo.

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada ayaa waxay golaha kaga warbixisay waxqabad la xiriira guulaha laga gaaray joojinta xaalufka deegaanka.

Guddiga kala-xadeynta Shaqooyinka Hay'addaha iyo Wasaaraddaha ayaa dhankooda Golaha u soo gudbiyey qorsheyaasha shaqo ee ay dejisteen iyo siday u kala horeeyaan.

Arrimaha kala ee laga hadlay waxaa ka mid ah saameyntii roobabakii ka da'ay gobolada Gardafuu, Sanaag iyo Cayn iyo halka uu marayo gurmadka loo fidinayo goboladaasi.

Ugu danbeyn, Goluhu wuxuu soo jeediyay in Guddiyada Xukuumadda ee ka kooban Afarta Guddi ay Baarlamaanka uga warbixiyaan waxqabadkii xukuumadda ee 9kii bilood ee u danbeeyay.

"...taasi oo qeyb ka ah wadashaqeynta Goleyaasha Dowladda iyo in Shacabka lala wadaago waxqabadka xukuumadda," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay kulankaoo nuqul kamid ah uu helay Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM