Puntland oo hakineysa safarada badda xili laga cabsi qabo duufaano

Image

GAROWE Puntland – Doonyaha safarka ah ee kusoo wajahan xeebaha Puntland ayaa la qorsheynayaa in la hakiyo, sababtoo ah cabsida roobabka dabaylaha wata, sidda uu shaaciyey Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa tibaaxay in digniinta ku saabsan duufaanta loo diray kalluumeysatada iyo xoolo dhaqatada ku nool degaanadda maamulkan xubinta ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay warbixinadda, roobabka dabaylaha wata oo kolkii hore ku wajahnaa Yemen ayaa waxay haatan si toos ah ugu wajahan yihiin xeebaha gobolka Gardafuu ee Puntland.

"Ilaahey waxaan ka baryayaa in uu dabeelahaas naga baajiyo, roobab kheyr-qabana inoo keeno, laakiin [hadii] ay dhacdo arrintaas [waa] in feejignaan laga muujiyo," ayuu wasiirku ku daray hadalkiisa.

Khuburada dhanka saadaasha hawada ee digniinta bixiyey oo coksanaya xowliga iyo miisaanka duufaanka ayaa sidoo kale odorasaya suurtogalnimada in ay u sii gudbaan xeebaha ku teedsan maamulka Somaliland.

Wasaaraddaha ku shaqadda leh arrintaan ayaa heegan ku jira, iyaga oo bulshadda hadba la wadaagaya akhaartii u dambeysay. Fariimaha digniinta ayaa kol hore loo diray kalluumeysatada iyo xoolo dhaqatada.

"Waxaan rabnaa in dadka degan xeebaha iyo kalluumeysatada laashashkoodii badda saaran yihiin in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah," ayuu carabka ku adkeeyay Dhabancad oo u waramay VOA Soomaali.

Hakinta safaradda badda

Sidda uu ka dhawaajiyey Wasiirka, waxaa socda qorshe kaasoo lagu hakinayo safarada badda gaar ahaan doonyaha ganacsi ama kalluumeysi ee ka baxaya dekada Boosaaso iyo waliba kuwa ka imaanaya dibadda.

Ujeedka ugu weyn ee joojinta ayaa ah sidii looga baaqsan lahaa waxyeelo baaxad leh oo isugu jira naf iyo maal oo ka dhasha duufaanta.

"Haa qorshaha waa ku jirtaa fariimaha waa lays-gaarsiiyey. Si dhow ayaana ula soconeynaa dabaylaha iyo dhaqdhaqaaqooda iyo xawliga ay kusoo socdaan iyo waqtiga ay soo dagayaan," ayuu xusay.

Sidda ay muujineyso saadaasha mar sii horeysay soo baxday, dabaylaha ayaa xeebaha Puntland soo gaari doona 24-ka saac ee soo aadan.

Marsadda magaaladda xeebta leh ahna xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa haatan ah mid si caadi ah ay u socdaa howlaheedii.

Dowladda Puntland ayaa fariimaha digniinta waxay dadka ku gaarsiisay iyadda oo u marineysa warbaahinta maxaliga ah iyo fariin qoraalo si toos ah loogu diray muwaadiniinta ku sugan meel ka fog magaalooyinka.

"Mararka qaarkood waxaa dhacda in dad kalluumeysato ah oo badda saaran aysan helin xogtaas oo dhameystiran ayna ku kadiso, sababtoo ah doonyaha dadka ku kalluumeysta dad baa dhaxa," ayuu tilmaamay.

Marka dib loo jaleeco taariikhda, horey Puntland ugama aysan dhicin khasaaro buuran oo ka dhashay duufaano, sababtoo ah dowladda oo shacabka u sii digta, marka laga reebo dhacdadii Sunaamida ee 2014-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM