Puntland oo shaacisay mowqifkeeda baarista dil wadareedkii Gololey

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland oo markii ugu horeysay ka hadashay dhacdadii lagu dilay sideeda ruux - todoba dhakhtar iyo qof shacab ahaa – ayaa tacsi u dirtay ehelkooda, asxaabtooda iyo qaraabadooda.

Dil wadareedkan kooxo hubeysan oo heybtooda aan la aqoon ka geysteen degaanka Gololey waxaa haatan baaritaan kuwada guddi uu magacaabay madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni, ayaa ku baaqay in baaritaanka uu noqdo mid dhab ah isla markaana lagu soo gabagabeeyo sidda ugu dhaqsiyaha badan isla markaana ugu macquulsan.

"Waxaan kaloo dowladda HirShabelle iyo dowladda federaalka ah oo ka akdhow iyagana ku biirinayaa dedaalka ay wadaan oo ah baaritaan dhab ah in lasoo gabagabeeyo dhagar-qabayaasha falkaas geystay oo tuhun uu ku jiro sidda ay yihiin in la caddeeyo, runtii cadow weye noocuu doono ha ahaado laakiin in la caddeeyo waa muhiim," ayuu ku yiri hadal-jeedintiisa Maalinta la hadalka dadweynaha Puntland oo xalay uu jeediyay.

Wuxuu ku daray: "Tuhunka mararka qaarkii, dad badan oo wax-garad iyo siyaasiyiin ah oo hadlaayey baan arkay oo shaki badan uu ku jiro. Shakiga mararka qaarkood hadii aanan jawaab laga bixin wuxuu abuuraa wax aan wanaagsaneyn. Marka waxaan ka codsanayaa madaxda dowladda in marka ay waxyaabahaas oo kale dhacaan ay bulshadda la hadlaan".

"Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha waxaa la rabaa in ay bulshadda la hadlaan, in ay dejiyaan, in aysan u muuqan degaankaas iyo dadkii deganaa arrin uu shaki ka galo," ayuu ka dhawaajiyey, isagoo rajo ka muujiyey.

Warar horudhac ah oo laga helay baaritaanka ayaa qeexaya in dableyda ay wateen dareeska ciidamadda, balse ay wejiga qarsadeen. HirShabelle waxay ku adkeystay "dharka ciidanka qof walba ayaa heli karo".

Taliska Ciidamadda Soomaaliya ayaa dhinac isaga leexiyey eedeymo ka yimid dadka degaanka oo sheegayey in ay iyagu geysteen.

Saraakiil ciidan oo u waramay warsidaha Garowe Online ayaa tuhunsan in ay Al-Shabaab ka dambeysay falkaas. "Sidaas waxaan u leeyahay, waxaa soo hagaagay xiriirka shacabka iyo shacabka," ayuu yiri midkood.

Tuuladda Gololey oo hoostagta degmada Balcad ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa qaraxyo lagula eegtay ciidamadda xoogga dalka, kuwa AMISOM iyo mas'uuliyiin HirShabelle, kuwaas oo dil iyo dhaawacyo lagu gaarsiiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM