Puntland oo xirtay xafiiskii guddiga doorashooyinka Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah waxay si rasmi ah ugu dhawaaqdey amar ku saabsan in albaabada loo laabo xafiiska guddiga doorashooyinka dalka Soomaaliya ee Garowe.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu amray dhamaan guddoomiyeyaasha gobolka in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan ku hirgeliyaan amarkaan.

Warqadda oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaanan lagu soo bandhigin sababta dhabta ah ee ka dambeysa, hase ahaatee, Puntland waxay horey u joojisay dhamaan shaqooyinka ka socday xafiiska.

Talaabadan ayaa timid xili Aqalka Sare uu horyaalo sharciga doorashada oo Puntland codsatey in la hakiyo "maadaama nidaamka 4.5 uu ka dhigayo suarciga Kaiiya ee dalka ka jira".

Mudaneyaasha Puntland ee ku jira Aqalka Sare ayaa sidoo kale diidan xeerkan uu meelmariyey Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah.

Isagoo ka hadlayey Madasha PDRC Talks, wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ku eedeeyay guddiga "marin-habaabin iyo ka been-sheegida kulamadda ay la qaateen mas'uuliyiinta Puntland".

Mr Dhabancad ayaa tibaaxay in mas'uuliyiinta guddiga doorashooyinka iyo midka dib-u-eegista dastuurka "ay warar aanan jirin ka faafiyeen kulamadooda markii ay tageen magaaladda Muqdisho".

Mowqifka Puntland ee coddeynta 2020-21 ayuu ku nuux-nuux saday in uu yahay "in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, isla markaana loo baahan yahay wada-hadal si looga heshiiyo nooca".

Dhanka kale, guddiga doorashooyinka oo ka jawaabay eedeynta wasiir Dhabancad ayaa ku adkeystay "wax aanan qaban ma sheegano, waxaan qabanay oo aanan sheegin ayaa ka badan".

Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay isku koobtay talada qodobadda masiiriga ah sidda doorashooyinka iyo dastuurka oo la tilmaamay "in haatan lagu waddo hanaan dhinac marsan sharciga".

Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM