Puntland: Taliska Ciidanka badda oo iska fogeeyay Askari Kufsi Gaystey

Image

BOOSAASO, Puntland- Taliyaha ciidanka badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa warbaahinta u sheegay in askari magaalada kufsi ka gaystay 27 October uusan kamid ahayn ciidankooda, xilli la isla dhexmarayay inuu kamid ahaa ciidamada badda Puntland.

Diiriye oo warbaahinta shir saxaafadeed Boosaaso ugu qabtay 06 November, 2017 ayaa xusay in ciidamadoodu aysan ka suuragali karin falalka noocaas ah islamarkaana yihiin kuwo aad u akhlaaq wanaagsan, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in sharaftooda wax loo dhimo.

”Arrintaasi maaha wax jirta, ciidanka Booliska ayaana kiiskaas gacanta ku hayay, laakiin cidda falka gaysatay maaha Askari ka tirsan ciidanka Badda Puntland," ayuu yiri taliyuhu, wuxuuna intas raacshay, "Waxanan is leeyahay waa ficil xun oo bini-aadanimada ka baxsan in gabar Soomaaliyeed sidaas la yeelo."

Admiral Cabdirisaaq ayaa sidoo kale sheegay in qofka dambiilaha ah ee magaciisa la baahiyay uusan waligiisa kamid noqon ciidanka badda, sidaas darteed ay ka xunyihiin in ruuxa noocaas ah lagu lammaaniyo ciidamo wanaagsan.

”Qofka magacaas wata waligiis ciidanka Badda Puntland kama mid noqon mana naqaan, xitaa waligiis lagama ruqseyn, " sidaas waxaa yiri taliyaha ciidanka Badda.

Mar la weydiiyay sababta askarigan loogu tuhmay, wuxuu ku jawaabay, "Waxaanan filaya waxa tuhunka soo galiyay inuu yahay in dareeska ciidamada oo aad isugu eg ay dadku u qaataan in uu ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Badda Puntland."

Taliyaha oo sii hadlaya, wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in lasoo qaban doono dambiilaha islamarkaana sharciga la horkeeni doono si looga jaaseeyo dambiga uu galay.

"Ciidan Sharaf leh oo ah ciidanka ugu Akhlaaqda badan kuwa Soomaaliya, maaha in lagu tilmaamo kuwa falkaas ku dhaqaaqay, Waana ka xunahay in sidaas khaldan loo adeegsado. Danbiilaha iyo cidii kale ee falkaas geystayna waa la heli doonaa, waana la soo qaban doonaa si sharciga loo Horkeeno," waxaa sidaa yiri Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax. Halkan ka Daawo

Askariga isku dayga kufsiga iyo dilka gaystay waxaa lagu magacaabaa, Cabdulqaadir Warsame axmed (Sanka), waxaana markii uu falkaas gaytay uu ka baxsaday Boosaaso.

Gabadha dhibanaha ah waxaa iyadana lagu magacaabaa; Faa'isa Maxamed Cabdi, da'deedu waa 15 jir, waxaana arrintan ku dhacday habeen Jimco ah 27 October.

Aabaha dhalay gabadhan wuxuu goor sii horaysay sheegay isagoo ku dabiibaya Cusbitalka Digfer ee Muqdisho in xaalka gabadhiisa uu yahay mid culus maadama Xabad looga dhuftay xubinta Tartanka, sidoo kale madaxa looga feeray Bastooladda.

Ehelka gabadha waxay kaloo warbaahinta u sheegeen in Askariga falkaas gaystay uu kasoo baxday Boosaaso, islamarkaana uu yimid Garoowe, kadibna uu Galkacyo usii gudbay. Halkan ka Daawo

Dhinaca kale waxaa qoraal kasoo baxay wasaaradda Haweenka Puntland lagu sheegay in waaran loo soo jaray Askarigan islamarkaana sharciga la horkeeni doono maadama uu ku dhaqaaqay dambi culus.

Wasaaradda iyo xafiiska difaacaha xuquuqul Insaanka ayaa iyagoo Garowe warbaahinta kula hadlayay sheegay in la wargaliyay laamaha ammaanka islamarkaana sawirkiiga la dhigay baraha Kantaroolada.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli ku dhawaad 10 cisho laga joogo markii falkaas uu ka dhacay Boosaaso, waxaana hoos u dhac weyn ku yimid shaqadii wasaaradda Haweenka Puntland, tan iyo markii xafiiska laga wareejiyay wasiirkii hore Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo door weyn ku lahayd hirgalinta sharciga loo cuskan doono hadii askarigan gacanta lagu dhigo iyo sidoo kale difaacista xuquuqda dumarka.

Xubno katirsan wasaaradda oo la hadlay GO, waxay sheegeen in dib u dhac ka muuqdo shaqadii hore iyadoo muddooyinkii dambe aysan jirin wax shaqo ah oo ka socota xarunta taasoo keentay inaysan soo xaadirin shaqaalihii tooska u imaan jiray markii mas'uuliyiinta hadda xafiiska jooga ka gaabiyeen howlihii loo igmaday.

Bishii December, 2016 ayay ahayd markii 5 kamid ah dhalinyarada Degmada Galdogob kufsi u gaysteen Gabar 16 jir ah kufsi wadareed ugu gaysteen degmadaas, kuwaasoo markii dambe xukun dhacay January 2017 lagu ciqaabay xabsi iyo magdhow. Halkan ka Akhri

Askarigan ayaa sidaas si lamid ah la filayaa inuu mutayso ciqaabta Kufsiga iyo sidoo kale dhaawaca uu u gaystay Gabadhaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM