Qaban-qaabiyeyaasha Shirka Maalgashiga Puntland oo la sharfey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Munaasabad Casho Sharaf ah u sameeyay Guddigii iyo xubnihii kala duwanaa ee ka shaqeeyay qabsoomida Shirkii Maalgashiga Puntland, oo (15-17), September 2019 ku qabsoomay Caasimada Garoowe.

Munaasibada Casho Sharafta ah ee loogu mahadceliyey dadkii ka shaqeeyay qaban qaabinta iyo diyaarinta Shirka, waxaa ku weheliyey Madaxweynaha xubno ka tirsan Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka, Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Puntland, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Dowladda Puntland, Qurbo joog iyo masuuliyiin kale ayaa kasoo muuqdey.

Madaxweyne Deni ayaa u mahadceliyey Guddigii Dowladdu u xilsaartay qabashada Shirka Maalgashiga Puntland iyo dhammaan dadkii kala shaqeeyay qabsoomida Shirka.

Wuxuu Bogaadiyey doorkii ay qaateen Laamaha Amniga, Warbaahinta, Kooxaha Farsamada, Maamulka Hoteelka Martisoor, Doorkii gabdhuhu qaateen, Shirkadda Tarjumaada Luuqadaha iyo dhammaan cidkastoo si uun uga qeyb qaadatay qabsoomida Shirka.

Wuxuu Bogaadiyey doorkii ay qaateen Laamaha Amniga, Warbaahinta, Kooxaha Farsamada, Maamulka Hoteelka Martisoor, Doorkii gabdhuhu qaateen, Shirkadda Tarjumaada Luuqadaha iyo dhammaan cidkastoo si uun uga qeyb qaadatay qabsoomida Shirka.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shahaadooyin gudoonsiiyey xubno metalaya guddiyadii iyo dadkii kala shaqeeyay qabsoomida Shirka Maalgashiga Puntland.

Shirkaas oo ay kasoo qeybgaleen 400 xubnood oo ka kala socday dowladdo iyo shirkado ayaa waxaa kasoo baxay maalgashi 467 milyan ah, taasi oo guddi loo saarey dabagalkeeda iyo fulinta.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM