Qoraal lagu taageeray metelaada gobolka Banaadir oo la iska fogeeyay

Image

GAROWE, Puntland – Senator Farxaan Cali Xuseen oo ka tirsan golaha Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya iyo siyaasi Cali Jaamac Faarax [Buureed] ayaa iska fogeeyay qoraal "looga been abuurtay".

"Soomaaliya oo la geliyey baraha bulshadda oo magaceyguna ku qoran yahay, sidaas darteed waxaa caddeynayaa in aanan wax shaqo ah ku lahayn cid qorteyna garaneyn," ayuu Cali kusoo qoray bartiisa Facebook.

War-saxaafadeedka oo la sheegay in ay soo saareen mas'uuliyiin, aqoonyahano iyo wax-garad kasoo jeeda Puntland ayaa lagu taageeray maqaamka magaala madaxda Muqdisho iyo metelaada gobolka Soomaaliya.

Bayaankaas oo xubnaha ku saxiixan ay tiradoodu gaareyso 27 ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, wallow aysan jirin cid diidan, balse aan wali heshiis laga gaarin nidaamka.

Si lamid ah, madaxweynaha Puntland oo ayiday baaq kasoo baxay baarlamaanka oo ahaa in uusan ka qeybgelin shirka madaxda dowlad goboleedyadda iyo dowladda federaalka ayay ka codsadeen in uu ka noqdo.

Sharci-dejiye Faarax oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in metelaada gobolka Banaadir kahor la caddeeyo maqaamka Muqdisho, waana sidda uu xeerinayo dastuurka dalka.

"Waxaa Mugdisho ka maqan maaha kuraas ee waa in la cadeeyo maqaamka ay yeelen lahayd Caasimada Soomaaliyeed. Waa in loo suubiyo gole deegaan oo doorasho ku yimaada, lana cadeeyo wada shaqaynta Federaalka, iyo Caasimada. Waxaa loo baahan yahay Soomali inta laga dhamaynayo Dastuurka, dadka la tarinayo inaana la abuurin xaalad iska horkeen bulsho iyo fowdo oo aana la jabin heshiikii bulsho (Dastuurka) oo lagu dhisay Dowlada Federaalka (FRS)," ayuu ku yiri qoraalka oo uu arkay warsidaha Garowe Online.

Arrinta doorashooyinka 2020-21 ayuu xusay in dowladda federaalka iyo guddiga madax-banaan ee doorashooyinka ay ku fashilmeen in ay waddanka u diyaariyaan doorasho qof iyo cod ah oo xilligeeda ku dhacda.

"Guddiga doorashooyinka, sidaas darteed, maanta hadayna u diyaarsanayn inay qabtaan Doorasho Hal-Qof iyo Hal-Cod oo watigeedii ku dhacda, waa inay arimaha doorashooyinka faraha kala baxaan oo ay is casilaan si loo aado doorasho dadban oo waqtigeedii loogu qabto," ayuu qeexay.

Mar uu soo qaadey wadashaqeyn la'aanta maamulada iyo xukuumadda federaalka ayuu daaha ka rogay in ay sababtay dowladda dhexe oo gabtay doorkii kaga aadanaa gudashada waajibaadkeeda.

"Caqliga saliimkaa waxaa uu sheegin inaan maanta hor fariisano Dowladaha xubinta ka ah Dowlada Federaalka si loo helo doorasho wada ogal ah. Waxii intaas aana ahayn waxay noqon ceeb in faraha lala golo, bulshaduna oo kala shakido iskana hor timaado," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Dowladda Farmaajo ee waqtiga uu kasii dhacayo ayaa lagu eedeeyay meelmarinta xeerar doorasho oo ay ku goobeyso muddo kororsi, balse waxaa arrintaas si adag uga digay Puntland, Jubbaland iyo xisbiyadda mucaaradka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM