Saciid Cabdullaahi Deni oo ku guuleystay Xilka Madaxweynaha Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Gollaha Wakiilada Puntland ayaa ku doortay maanta oo Talaado ah, 8-da Janaayo 2019, Madaxwaynaha maamulkaan hogaamin doonta Shanta sano ee soo aadan, kadib doorasho ka qabsoontay magaalada Garowe.

Coddeynta oo laysla gaarey saddex wareeg ayaa waxaa kal-tankii 1aad ku haray Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas], Madaxwaynihii hore ee Puntland, kadib markii uu helay kaliya 8 cod oo kamid ah Sharcidejiyaasha.

Wareega labaad waxaa ku baratantay saddex Musharax, kuwaasi oo kala ahaa; Asad Diyaano oo helay 30 cod, Saciid Cabdullaahi Dani, oo 29 ah iyo Faarax Cali Shire, oo 7 cod uruursaday, inkasta oo uu haray.

Saciid Dani iyo Asad Diyaano ayaa ku tartamay cod-bixinta wareega 3aad, taasi oo uu gabagabadii ku guuleystay Mr Dani markii uu helay codad dhan 35 cod, halka Musharaxii kusoo dhowaa ee Asad uu helay 31 cod.

Madaxwaynaha cusub, Saciid Cabdullaahi Dani, oo madasha ka hadlay, wuxuu umahad-celiyay dhamaan Xildhibaanada doortay, isaga oo balanqaaday inuu ka shaqayn doono horumarka DPL.

Ugu dambeyntii, Asad Diyaano, tartamaha laga guuleystay, ayaa ku dhawaaqay inuu u-hogaan-samayo natiijada doorashada kasoo baxday, isaga oo umahad-celiyay xubnihii codkooda siiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM