Saddex kamida dadkii loo haystay Kufsiga Caa'isha oo dil lagu xukumay

Puntland
By Wariyaha Muqdisho , Garowe Online
Maxkamada ayaa sidoo kale waxay sii deysay todoba kale, markii ay ku weysay wax dambi ah | Xuquuqda Sawirka: Garowe Online
Garsoorka ayaa sheegay in ragga lasii daayey la dhaariyey kahor inta aan go'aankaasi lagu riday | Xuquuqda Sawirka: Garowe Online
Garsoorka maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal | Xuquuqda Sawirka: Garowe Online

GAROWE, Puntland - Maxkamadda Gobolka Nugaal oo ku taalla caasimadda Puntland ee Garowe ayaa maanta xukun dil ah ku riday saddex kamida ragii loo haystay dilka iyo Kufsiga, Caa'isha Ilyaas, oo Bishii Febuary ee 2019.

Ragga la xukumay oo lagu kala magacaabaa, C/fitaax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige, ayaa laba kamida waxay yihiin walaalo.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa waxay fasaxday todobo kale oo loo haystay inay kiiskan ku lug leeyihiin markii ay ku weysay dambiga, sidda garsoorku ku dhawaaqay.

Xeer-beegtadda ayaa shaacisay in saddexda qof ee dilka lagu xukumay ay haystaan mudo bil ah oo racfaan uga qaadan karaan go'aanka Maxkamadda gaartey.

Maxkamadeynta raggaan oo soo bilaabatay horaantii bishaan May 2019 ayaa waxaa ay soo martay laba dhageysi, iyadoo mid kamida dib loogu dhigay qareenada.

Mid kasta oo kamida dhageysiga maxkamada waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin dowladeed, qoyska dhibanaha iyo dadwayne kale, iyada oo ay wax kasta u dhaceen qaab furan.

Dadka u dooda xuquuqda haweenka ayaa rumeysan in xukunkaan uu muujinayo sida dowlada Puntland uga go'an tahay ciribtirka xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.

Balse, waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in go'aanka maxkamada lagu fuliyo sida ugu dhaqsiyaha badan, inkasta oo madaxweyne Deni uu arrintaasi horey u balanqaaday.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey