Deni oo si adag dhaliilay Qorshaha Horumarinta ee XF Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daahfuray bilawga Qorshaha Horumarinta Puntland ee 4-aad sanadaha 2020 -2024.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Daahfurka Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland ayaa Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga caalamiga ah ku amaanay diyaarinta Qorshahani muhiim ka ah.

“Puntland waxaa lagu amaani karaa mudadaa ay shaqayneysey horumarka ay ka gaartay inay nidaamkii dowladnimo dhisto, waxna ka qorshayso. Maanta waxaan halkan u joognaa daahfurkii 4-aad ee diyaarinta qorshaha horumarinta Puntland, kani waa qorshaha horumarinta, qorshihii siyaasadeed ma ah, waa qorshaha horumarinta, marka laga hadlaayo qorsha horumarinta ee horumarinta bulshada bay inta badan xooggasaraan, horumarintaasi waxay ku tiirsan tahay inta badan deeqaha ay Puntland ka hesho hay’addaha. Qorshahan sida wasaaraddu cadaysay siyaasadda dowladdana ka mid ah, waxaan rabnaa inaan kuwii hore wax ka bedelno oo ku darno qaybta suurta gal ka ah ee dalka ka imaanaysa kuwaas oo laba qaybood ah tan dowladda iyo tan bulshada rayid ka," ayuu yiri.

Daahfurkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo dhowaan la filayo in uu furmo Shirka Maalgashiga Puntland oo ay kasoo qeybgeli doonan ganacsato ajaaniib iyo Soomaali isugu jirta.

"Waxaan u socono ugu dambayn waa inaan dadkeena adeegga ay u baahan yihiin aan siino, si adeegga ay u baahan yihiin dowladdu u siiso, waxay u baahan tahay dakhli ay qorshaysato oo ay markaas umadda u celiso, dakhliga dowladdu waxa uu ka yimaaddaa waa cashuuraha, haddii dhaqaalaha iyo dakhliga dalku horumarsanayn laftirkeeda meel ay dowladdu cashuur ka helayso majirto, ahmiyadda koowaad dowladdu waxay siinaysaa in dadka cashuurta laga helo ay kobciso fursadaha ay iyagu ku helilahaayeen dakhli inta aanay cashuur bixin ayaan suurta gelinaynaa, ka hor waxaan xoogga saaraynaa sidii loo horumarinlahaa Ganacsiga iyo Maalgashiga," ayuu raaciyey.

Sidoo kale Madaxweyne Deni oo ka hadlaya habka dayn cafinta Soomaaliya loo marayo ayaa tilmaamay in laga hormariyo dayn cafinta qorshaha daynta lagu soo qaadanayo mar labaad si aanay sidii hore Soomaaliya ugu suntanaan, waxaana uu tilmamaay Madaxweynuhu in qorshe dhaba lagagaaro khayraadka magaca Soomaaliyeed lagu helo.

“Haddaan habka dayn cafinta laga hormarin habkuu dalku u ekaanayo karka dayntaas laga cafiyo ama dib loogu dhigo, kadibna dayn soo qaato sidee u qorshaysanayaa? Markaan ka hadlayno dowladda dhexe doodaha ugu weyn ee aan hay’addaha iyo beesha caalamka aan lagalnay waxaa kamid ah intaan danyta la cafin, intaan dalka loofurin albaabadiisa inuu soo qaato lacag marlabaad ku suntanaan doonta Soomaaliya waa in laga heshiiyaa dhaqaalaha dalka soo gala oo aan ahayn midka si gaar ah loo siiyo, laakiin mid magaca Soomaaliyeed lagu soo qaatay oo ku noqonaaya daymihii hore ama deeq lasiiyey haddaan la ogeyn awoodaha lagu qaybinaayo, anagu ma oranayno qoondadaasaan rabnaa, balse waa inaan helnaa hab laga midaysan yahay maadaama dalku Federal yahay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta dowladda in la taageero dadka dakhliga laga-helo, lana abuuro fursad ay ku helikaraan dakhli si dowladda dakhli usoo galo.

“Qodobada muhiim ka ah ee qorshaha lagu daraayo waxaa kamid ah sidii dadka wax soo saarka leh loo kobcin lahaa, sidii loo kobcin lahaa dadka wax soosaarka Baddaleh, kuwa Xoolaha leh iyo kuwa beeraha leh, hadaynaan dakhli abuurin waxaan qorshaynayno waa iska-mala-awaal, qodobkaas wuxuu yahay qodob muhiim ah oo u baahan in wakhti la geliyo, waxaa kaloo muhim ah in qorshaha la samaynaayo lagu daro misaaniyadda horumarineed ee inaga soo gala inta laga filayo qiyaas ahaan hay’addaha, waxaanna soo jeedinaayaa in marka misaaniyadda la samaynaayo hay’addaha halkan jooga laga codsado miisaaniyaddooda ku talagal ka ah ee sanadlaha ah inay soo gudbiyaan, si gaar ah intay Puntland gelinayaan," ayuu tibaaxay.

Deni oo ku booriyey aqoon-yahanka Puntland in aysan indhaha ka fiirsan "waxa khaldan" oo hadii ay sameeyan noqoneysa "baqiilnimo" ayaa ku tartarsiiyay in ay waayo-aragnimada la wadaagan maamulada soo dhismaya.

"Xog ogaal fiican baan u ahay Wasaaradda Qorsheyntan soo joogey, wax badan oo qariban baan ogahay. Waxaa la rabaa in hadii la rabo in dalka Soomaaliyeed uu heshiiyo uu run ku heshiiyo. Runta waxay noqoneysaa in wax kasta ay cad yihiin oo aysan mugdi ku jirin wadooyinka loo marayo," ayuu xusay.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya diyaarisay Tubo ay sheegtay in ay qayb ka yihiin qorshaha horumarinta Qaranka, balse Deni ayaa dhaliilay qaabka loo diyaariyey Tubahaasi.

Hogaamiyaha maamulkan 21-sano jir-saday ayaa sidoo kale saluug ka muujiyay in dowladda federaalka uu madax ka noqdo qof aanan "waayo aragnimo badan lahayn".

"Ciladaha hadda dowladda dhexe kasoo baxaya waxa weye, qof hadda Jamaacad kasoo baxay kawarama hadii la yiri qof qaliin ku samey soo khatar gelin maayo, isaga oo aanan tababar qaadan. Dowladda Soomaaliya in layska yimaado ayaa aad u sahlanatay. Qof aanan waligiis xafiis dowladeed soo marin ayaa madaxii ugu sareeya noqon kara. markuu noqdo waqti ayey ka qaadaneysaa in uu fahmo habka dowladnimada u shaeyso, markaasi waxay noqoneysaa in qorsheyaashii uu hay'addaha kala yimaaday ku shaqeeyo. Tubahan la sheegayo waa qorshe waaxeedyadii, hay'adduhu waxaasi ayey leeyihiin, dalalku waxaasi malahaan karaan, runtii waa wax ka duwan. Hay'addihii baa ka imaaneysaa markaasi baad ummadan la imaaneysaa oo khatarteeda leh," ayuu xusay.

Dhinaca baaxadda, Soomaaliya oo kaalinta 44aad kaga jirta caalamka ayaa sidoo kale kamid ah dalalka ugu qanisan caalamka, balse xasilooni siyaasadeed la’aanta waxay dhaxlisay in dadkiisa ku tiirsanadan kaalmo dibadda ah.

Ugu dambeyntii, Deni oo qeybaha kala duwan ee bulshadda ku booriyey in ay ka shaqeeyaan horumarinta, amniga iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka ayaa si cad daaha uga rogay "dhaliisan uusan dhibsaneen balse uusan xaqa ka gam-ban doonin".

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM