Sidda warbaahinta caalamka uga warantay qisaasta kiiska Caasha

Image

GAROWE, Puntland – Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u baahisay xukunka dilka toogashada oo ay dowladda Puntland ku fulisay kiiska kufsiga iyo khaarijinta ee Caasha Ilyaas Aadan.

Marxuumad Caasha oo la dhibaateeyay Febraayo, 2019 ayaa ahayd 12-jir la afduubtay kahor inta aan tacadi jinsi ah aysan kula kacin saddex qof oo mid wali ay baaris ku socoto.

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, oo dambiga qirtay, iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, oo dafiray, ayaa shalay lagu qisaasay fagaare ku yaala Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, oo ay walaalo yihiin Cabdifitaax, ayaa fulintiisa waxaa dib loo dhigay muddo tobban cisho ah si xaqiijin loogu sameeyo xukunka lagu riday.

Caddeymaha loo cuskaday xukunkooda waxaa kamid ah baaris lagu sameeyay dheecaan laga qaadey DNA-ga.

Puntland ayaa noqotay maamulkii ugu horeeyey oo Soomaaliya ka tirsan oo xukun dil toogasho ku saleeya hanaanka baariseed ee dheecaanka gaar ahaan tacadiyada haweenka.

Hadaba maxay warbaahinta caalamka ka tiri qisaasta?

Daily Mail

Jaraa'idkan oo kamid ah kuwa loogu akhriska badan yahay caalamka isla markaana kasoo baxa Ingiriiska ayaa warbixin dheer ka qoray dhacdadaan, wuxuuna ciwaan kaga dhigay sheekadiisa;

"Laba nin oo kufsi-wadareed iyo dil ugu geystay Soomaaliya gabar 12-sano jir ahayd ayaa meel fagaare ah waxaa ku toogtey ciidamo uu soo xushay Aabaha gabadha…kaasoo dul-tegay meydadka si uu u xaqiijiyo in ay geeriyoodeen".

Joornaalka ayaa sheegay in Xeerka Dambiyada Kufsiga oo Puntland meelmarisay 2016-kii uu wax ka badan ka bedel tacadiyada ka dhanka ah dumarka oo booliska u arkayey "dambi aan cusleyn".

BBC

Warbaahinta BBC-da qeybteeda dunida la hadasha ee BBC World Service ayaa sidoo kale faalo ka diyaarisay qisaasta gal-dacwadeedkan.

Iyadoo soo xiganeysa ra'yiga dadweynaha, BBC-da waxay warisay in fulintaan ay tahay "guul weyn oo loo qaadey dhanka cadaaladda isla markaana meesha ka saareysa dhaqankii hore".

"Soomaalida waxaa caado u ahayd in kufsiga ay ku kala qaataan diyo ama in shaqsiga dhibataada geysta loo guuriyo gabadha uu faroxumeeyay," ayay raacisay.

Aabaha dhalay Caasha ayaa laga soo xigtay in uu rajo wanaagsan ka qabo in qisaastan ay hoos u dhigi doonto xadgudubyada ka dhanka ah haweenka ku nool guud ahaan geyiga Soomaaliya.

La Republica

Wargeyskan kasoo baxa Talyaaniga ayaa sheekadan uu ka diyaariyey qisaasta ciwaan uga dhigay "Laba nin oo ku xadgudbay isla markaana dilay caruur 12-jir ah ayaa lagu toogtay Soomaaliya".

Kiiska Caasha Ilyaas ayaa maray dhamaan heerarka kala duwan ee garsoorka Puntland, waxaana ragga dambiga lagu helay ay qabsadeen qareeno difaaca.

Qoraaga warbixinta ayaa qof u dhaqdhaqaaqa arrimaha haweenka kasoo xigatay in tani ay muujineyso "dhamaanka tacadiyada loo geysto dumarka iyo gabdhaha; lana helayo cid qaadata mas'uuliyada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM