Soomaaliya: Gaas oo martiqaad rasmiya ka heley dowlada Imaaraadka Carabta

Image

BOOSAASO- Madaxweynaha Puntland ayaa booqasho rasmiya ugu ambabaxay maanta dalka Imaaraadka Carabta kadib markii sida wararka soo gaaraya GO sheegayaan uu wadankaas ka heley casumaad raamiya.

Gaas oo ku suganaa maalmihii dambe magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka qaday garoonka diyaaradaha magaaladaasi diyaarad khaas ah oo uu u soo direy dalka Imaraadka Carabta isagoo madaxda dalkaas kulan kula qaadan doona xarunta dalkaas Abu Dhabi.

Booqashada Gaas ee Abu Dhabi ayaa imaaneysa xilli Madaxweynaha Dowlada Puntland cadeeyey asbuucii lasoo dhaafey mowqifkiisa ku aadan taageerada dalka Imaaaraadka Carabta siiyo dalka Soomaaliya gaar ahaan Puntland iney muhiim u tahay dib u dhiska dalkaan dagaalada sokeeye aafeeyeen muddo 30 sano ku dhow.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ah gudoomiyaha urur ay sameyteen maamulada ka dhisan dalka Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli uu xumaadey xiriirka u dhexeeya Imaraadka Carabta iyo Muqdisho. Xiriirkaan ayaa heerka ugu hooseeya gaarey kadib markii ciidamada amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku qabteen horaantii bishaan lacag mushahraadyo ah ee loo wadey ciidamada dalka Soomaaliya.

Maamulada Soomaaliya ayaa rumysan in Villa Soomaaliya tageerada dhaqaale iyo dib u dhis ay ka hesho beesha caalamka inteeda badan aysan soo dhaafin magalada Muqdisho taasoo sababtey iney wadamo kale xiriir kala yeeshaan sidii dib ugu dhis ugu sameyn lahayeen kaabayaashooda dhaqaale.

Dowlada Turkiga iyo Qatar oo lacago iyo mashaariic siyaasadeysan siiya dowlada Federalaka ayaa wax-qabadkooda intiisa badan waxaa uu ku kooban yahay magaalo madaxda dalka Soomaaliya.

Waxaa dib u dhac balaaran ku yimid dib u qorista Dastuurka Federalaka kaasoo kale qeexi lahaa qaybsiga khayraadka dalka iyo awoodaha siyaasadeed ay kala leeyihiin maamulada iyo Villa Soomaaliya.

Taageerada Imaaraadka ee Soomaaliya

Dalka Imaraadka Carabta ayaa Puntland horey uga taageeray dhismaha ciidamada Badda kuwasoo qayb ka ahaa dagaalkii burcad badeedka looga xoreeyey degaanada hoos taga maamulkaas.

Isu-taga Imaaradka Carabta ayaa joojiyey asbuucii lasoo dhaafey mushaharaad uu siin jirey ciidamo gaaraya 2400 kuwasoo ka howlgala jirey magaalada Muqdisho.

Shirkada DP World iyo P&O oo fadhigoodu yahay Imaaraadka ayaa dhinaca kale heshiiisyo lagu hormarinayo dekadaha Berbera iyo Boosaaso la kala galey maamulada Puntland iyo Somaliland kuwasoo dolwada Federaalka kasoo horjeesatey.

Dekada magalaada Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha magaalo madaxda ayaa waxaa maamula shirkado Turki ah kuwasoo heshiiska ay kula jiraan Dowlada Soomaaliya aan weli la horgeyn Barlamanada Federaalka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM