Soomaaliya: Halkee ku dambeeyey khilaafkii u dhexeeyey golaha fulinta Puntland

Image

GAROWE: Kadib markii qaar ka tirsan Golaha fulinta dowlada Puntland iyo xubno Xildhibaano ah  ‘Golaha shacabka’ ka horyimaadeen go’aan Madaxweyne Gaas rabey in laga qaato qaraarkii Barlamanada Soomaaliya ku mamnuuceen shirkada DP World ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya waan laga dhex bilaabey dhinacyada is-haya.

Afartii cisho ee lasoo dhaafey ayaa waxaa aan qarsoodi aheyn in garab ka tirsan golaha xukuumada Puntland oo diidey soo bandhigida qorshaha looga horimaanayey qaraarkii Barlamanada Soomaaliya ayaa khilaafkaan kadib waxay u guureen jiida hore ay fadhiyaan ciidamada dowlada si ay culeys siyaasdeed u saaraan Madaxweyne Gaas.

Wasiiro u badan dhinacii u codeeyey in Puntland diido qaraarkii Barlamanada Soomaaliya ayaa waxay labadii maalmood ee lasoo dhaafey kulamo la qatey Madaxweyne ku xigeenka ‘Camey’ iyo xubno ka kooban Wasiiro. Madaxweye ku xigeenka Puntland aya siyaasiyin hogaaminaya xubnaha ka tirsan xukuumada oo Gadoodsan.

Warsidaha GO ayaa ogaadey in habeenimadii 27 March, 2018 Wasiiro ka kooban 16 xubnood ay kulan la qaateen Madaxweyne ku xigeenka Puntland kuwasoo ku eedeyey inuu kala qaybiyey golihii xukuumada islamarkana qayb ka yahay dadaal lagu cago jiidayo difaca loogu jiro degaanada hoos yimadaa Gobolada Sool iyo Cayn.

Wadahadal dheer kadib ayaa sida Warsidaha GO ka heley ilo xogogaal ah waxaa la isku afgartey in laga shaqeeyo isu soo dhowaansho golaha fulinta dhexdooda ah  iyadoo lagu balamey in Wasiradaan Jiida hore ugu tagaan xubnaha kale halka dhinaca kale lagu balamey in kulam dhex maro Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa.

Guddigaan Wasiirada ah oo iskood isu xilqaamey ayaa maalintii shaley kulan hore la qaatey Madaxweyne Gaas halka kadib waxay booqasho ku tageen degaan ku dhow Tukaraq halkaas oo ay kula kulmeen Wasiiro iyo Xildhibaano halkaas u tagey gadood ay ku sheegeen in sababtiisu tahay in aan daacad laga aheyn dib u qabashada degaanada ku jira gacanta Somaliland.

Madaxweyne Gaas oo khilaafkaan kadib albaabka hoos kasoo xirtey ayaa kooxdaan Wasiirada ah waxay u sheegeen inuu la kulmo una yeero Madaxweyne ku xigeenka si khilaafka jira loo xaliyo halka wasiirada dibada uga baxay Magaalada Garoowe balanqaadeen in shirka golaha Wasiirada ee maanta kasoo qayb galayaan.

Wararka laga helayo kulankii habeenkii xalay dhexmarey Madaxweye Gaas iyo ku xigeenkiisa ayaa sheegaya inuu is-afgarad ku soo dhamaadey iyadoo uu goob joog ka ahaa Gudoomiyaha aqalka Wakiilada Puntland.

Shirka Khamiislaha ee golaha xukuumada Puntland ayaa weli la ogeyn ajandyaasha laga hadli doono iyo in Madaxweyne Gaas soo hordhigo doono go’aankii guddiga golaha xukuumada ka socda ka gaareen jawaabtii ay ka bixin lahaayd Puntland qaraarkii dalkan lagaga mamnuucey DP World.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM