W. Maaliyada Puntland oo kabeysa heshiiskii laga gaarey dekada Boosaaso [ Akhri]

Image

BOOSAASO, Soomaaliya - Kadib markii dekada magaalada Boosaaso xirantey khilaaf ka yimid lacagaha laga qaadayo gadiidka badeecadaha keena Marsadaan ayaa kulan ay yeesheen ganacsatada iyo xubno ka tirsan dowlada Puntland ayaa waxay isla-gaareen in si KMG ah loo furo dekada iyadoo kharashyada laga qaadayo doonyaha iyo Maraakiibta ahaanayeen sidoodii hore.

Wasiirka Wasaarada Dekadaha Puntland Siciid Maxamad Raage oo lagu eedeynayo inuu yahay buddhigaha murankaan iyadoo laga eegayo sida uu u maamuley howshaan ayaa qoraal ay ku saxiixan yihiin isaga iyo Wasiirka cusub ee Maaliyada waxay u direen shirkada P&O kaasoo ay kaga codsanyaan in hehsiiska cusub aqbasho.

Waraaqdaan oo Nuqul kamid ah soo gaarey warsidaha Garowe online iyadoo ku qoran luqada Ingriiska ayaa waxay u qoreyd sidatan marka aan tarjuney:


Ku: Muralidhran Ramu, CPO GLOPAL PORTS SERVICE FTZE

     P&O Ports Bosaso

Cc: Paul Anthony Formosa

     General Manager GPS FZE

Cc: Rado Andovic

      CEO P&O Ports

Si xal la isku waafaqsan yahay oo saaxibtinmo looga gaaro muranka u dhexeeya ganacsatada Puntland iyo lacaga cusub ee lagu soo rogey soo dajinta badeecadaha dekada Boosaaso, dowlda Puntland waxay wadahadal kala duwan la gashey daneeyaasha howshaan waxayna xalka ay la gaartey ogeysiineysaa shirkada maamusha dekadaha ee P&O.

1- Shirkada P&O waxay qaadaneysaa lacagahii hore ee laga qaadi jirey Maraakiibta iyo Doonyaha ku soo xiranya dekada Boosaaso kuwasoo ku waajibaya iney bixiyaan dadka badeecada imaaneysa iska leh iyo wakiilada gadiidka dekada imaanaya (Doonyo iyo Maraakiib)

2- Badeecadaha Guud:Dowlada Puntland ( Wasaarada Maaliyada) waxay magdhow USD 2.5 Halkii Ton ah siineysaa shirkada P&O ( GPS FTZE) mudada heshiiskaan socdo.

3-Qofka iska leh badeecadaha laga dajinayo dekada Boosaaso isagaa ayaa mas'uul ah kharashaadka ( Stevedoring) la xiriira dajinta kuwasoo noqonaya sidoodii hore.

4- Dhoofinta Xoolaha: Global Port Service FZE Tarifada ay ka qaadeyso neefkii xoolaha ee la dhoofinayo waxay noqneysaa 0.15 neefkii

5- Tariifoyinka kale iyo shuruudaha kale waxay ahaaynayeen sidii lagu heshiisyey markii la galayey heshiiska lagu wareejinayey maamulka dekada Boosaso shirkada P&O

6- Heshiiskaan ayaa ah mid shaqeynaya 7 ilaa 10 cisho maalmaha laga shaqeeya asbuuca inta shirkada maamusha dekada ( P&O) arimaha taagan heshiis kala gaareyso ganacsatada.

Waxaa ku saxiixan qoraalkaan Wasiirka dekedaha dowlada Puntland iyo Wasiirka Maaliyada Puntland 


Shirkada P&O ayaa la ogeyn sida ay ka yeeleyso go'aanka wasiirada Puntland la gaareen ganacsatada kaasoo ahaa in maamulka dekada Booasaaso noqon mid sidii lagu heshiiyey u hirgala..

Wasiirka dekadaha Puntland ayaa dhinaca kale kalsoonida shacabka ku qabeen hoos u dhacdey madaama dad badan rumeysan yahay inuu qayb ka yahay qaska ka taagan in shirkada P&O si habsami ula wareegto shaqada dekada maadaama uu qayb ka yahay qandaraasyo ganacsatada gaarkeed raadineyso kuwasoo kor u qaadey lacagaha laga qaadayo badeecada.

Madaxweynaha Puntland ayaa isagu ku maqan magaalada Muqdisho isagoo kaga qayb galaya halkaas shirka u socda maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federalka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM