Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga DFS oo Boosaaso Gaaray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
BOOSAASO, Puntland- Wafdi kasocda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasoo ay maalmihii u dambeeyay kusoo qulqulayeen wufuud kala duwan.
 
Mas'uulyiintan oo uu hogaaminayya wasiirka Amniga Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa isugu jira, Xildhibaano katirsan labada aqal, wasiirro, Ganacsato iyo salaadiin, waxaana qorshaha safarkooda lagu sheegay ka qayb galka Munaasabad caleemo-saar oo barri la filayo inay ka dhacdo degmada Carmo ee gobolka Bari.
 
Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa faah faahiyay socdaal maanta ay kusoo gaareen magaalada Boosaso, xubno katirsan golayaasha fulinta, sharci dajinta iyo aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya.
 
Islow ayaa sheegay inay u yimaadeen Boosaaso ka qayb galka Caleemo-saarka Beeldaajaha Guud ee beelaha Cali Saleebaan, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil.
 
“Marka hore Waxaan doonayaa in aan u mahadcelino mas’uuliyiinta maamulka magaalada Boosaaso iyo Dowlad Goboleedka Puntland sida diiran oo ay inoo soo dhaweeyeen,waxaa wafdiga ka socda Xukuumadda oo aniga aan hoggaaminayo uu ka kooban yahay wasiiro xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare,ganacsato,salaadiin,waxaan halkani u nimid in aan ka qeybgalno caleema saarka Beeldaaje Maxamed Ismaaciil C/llaahi waxaan leenahay hambalyo," sidaas waxaa sheegay Wasiir Islow.
 
Isagoo sii hadlaya, wuxuu tilmaamay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay markasta garab taagantahay dhaqanka maadaama ay aas-aas u yihiin dowaldnimada waddanka.
 
"Xukuumaddu markasta waxaa ay garabtaagan tahay dhaqanka Soomaaliyeed maadaama ay yihiin aas-aaskii xukuumadaha laga soo bilaabo Carta,anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda waxaan leeyahay hambalyo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Wasiir Islow.
 
Wafdigan ayaa safarkooda la filayaa inuu qaato labo cisho, waxaana ay ka qayb gali doonaan Caleemo-saarka Beeldaajaha oo barri ka dhici doona sida la qorsheeyay magaalada Carmo ee gobolka Bari.
 
Dhinaca kele, waxaa horay u yimid magaalada Boosaso oo usii gudbay degmada Carmo xubno horay ugasoo mid noqday dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Cabdulqaadir Diini.
 
In kabadan 1000 qof oo mas'uuliyiin, siyaasiyiin, salaadiin, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu casuumay Caleemo-saarka Beeldaajaha.
 
GAROOWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM