Wakiilada Puntland ee guddiga habka doorashada oo la magacaabay

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay laba xubnood oo dowladda Puntland ku metelaya guddiga farsamo ee kasoo talobixinaya nooca doorasho ee dalka ka dhici karta sanadka 2020-21.

Labada xubnood ayaa kala ah; Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka  Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda iyo Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada.

Sidda lagu sheegay wareegto kasoo baxdey xafiiska Deni, magacaabidaan ayaa daba socota go'aannadii kasoo baxay wejigii labaad ee shirka Dhuusamareeb kaasoo ay yeesheen madaxda dowladda iyo maamualda.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni isagoo ka duulaya war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah kuna qabsoomay magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug, 22 Luulyo, 2020," ayaa lagu yiri digreetadda.

Waxaa la raaciyey: "Shirkaas oo nuxurkiisa ay ka mid aheyd in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, guddigaas oo kasoo baaraandagi doona hannaanka iyo habsami u socodka Doorashooyinka Dalka".

"Sidaasi darteed, Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Puntland," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka oo Facebook lagu baahiyey.

Guddigan farsamo oo ka kala imaan doona dowladda federaalka ah iyo maamuladda ayaa looga fadhiyaa in ay warbixin kusoo gudbiyaan laba todobaad gudahooda kahor wejiga saddexad ee shirka 15-ka bisha August.

Nooca ay noqoneyso doorashadda loo qorsheeyay 2020-21 wuxuu ahaa qodobka ay madaxda isku fahmi-waayeen mudadii ay ku shirsanaayeen caasimadda Galmudug, iyagoo aakhiritaankii isla qaatay in ay guddi u saaraan.

Talaabo muujineysa in ay ka go'an tahay xal u helida is-mari-waaga ka taagan doorashada soo aadan, dowladda Puntland ayaa noqoneysa maamulkii ugu horeeyay ee magacaaba xubnaha ku metela guddiga kadib kulanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM