War laga soo saarey nooca doorashada Puntland 2019

Image

GAROOWE, Puntland - Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah soo saarey War-Saxaafadeed ku saabsan lifaaqii shalay [Halkan ka akhri] uu kasoo saarey Doorashada 2019-ka, taasoo ay go'aamiyeen inay noqoto mid ku saleysan nidaamka awood-qeybsiga beelaha.

Gollaha Wakiiladda ayaa kulankiisii shalay ku meel-mariyay Lifaaqa 4-aad ee Dastuurka Puntland, kaasoo ogolaanaya in la qabto doorasho Xildhibaanada lagu soo xulayo si lamid ah doorashooyinkii hore ee qabiilka.

Go'aankan ayaa waxa uu yimid kadib markii Gudiga doorashooyinka KMG ee Puntland uu horgeeyay Baarlamaanka warbixin uu ku xaqiijiyay in sanadka soo socda aysan qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah, oo ku timaada qaabka xisbiyada badan.

War Saxaafadeedka ayaa lagu shaaciyay in lasoo xuli doono Xildhibaanada cusub ee Gollaha Wakiiladda bedeli doona midka hadda shaqeynaya, oo waqtigiisu ku eg 31-da December, 2018-ka.

Xidlhibaanada soo socda ayaa waxay ku imaan doonaan hab-beeleedkii lagu soo dooran jiray Gollaha Wakiiladda mudadii a20-ka sano ee Puntland ay jirtay, taasoo ka dhigan in maamulka Madaxweyne Gaas uu ku fashilmay in Puntland gaarsiiyo doorasho dimuqraadi ah oo shacabka ay soo dooranayaan qofkii matali lahaa.

Golayaasha degaanka Puntland ayaa lagu soo xulayo hab lamid ah kan Baarlamaanka, oo heer degmo ah, maadaama wali la hirgelin nidaamka axsaabta badan [Multi-party system], oo Xukuumadda hadda jirtay aaney kasoo shaqeyn mudadii ay jirtay.

Waxa uu Gollaha Wakiiladda Puntland meesha ka saarey oo uu laalay qodobada iyo xeerarka ka hor-imaanaya Lifaaqa ay soo saareen ee saamaxaya in doorashada u dhacdo qaabka beelaha, maadaama Dastuurka uu dhigayo doorasho qof iyo cod ah.

HOOS KA AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA:

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM