WARBIXIN: Gaas oo dhoofay xilli uu la kulmay saraakiil ​Ethiopia ah

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u dhoofay magaalada Muqdishu, halkaasoo saddex bari kadib lagu qaban doono doorashada Madaxweynaha dalka Somalia.

Inkastoo aan faahfaahin rasmi ah laga bixin socdaalka mudane Gaas, hadana warar hoose uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya inuu magaalada Xamar u tagay arrimo ku saabsan doorashada Madaxweynaha iyo sidii olole ugu samayn lahaa mid kamid ah ragga u taagan jagadaas.

Lama xaqiijin karo cidda rasmiga ah ee uu Madaxweyne Gaas uu ololayn doono, balse waxaa jagadaas u sharaxan xubno tiro ahaan gaaraya 8 murashax oo kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Xogaha ayaa la sheegaya in safarka Madaxweynaha Puntland uu salka ku hayo sidii musharax ugu tangeeri lahaa Inuu ku gueysto tartanka loogu jira xafiiska ugu sareeya dalka Somalia. 

Magalaada Muqdishu ayaa waxaa horey ugu sugnaa xildhibaano, wasiiro iyo saraakiil ka tirsan xafiiska madaxweyne Gaas kuwaasoo kala tageeraya musharaxiinta xilka madaxweynaha Somalia.

 Socdaalka Gaas  ayaa sidoo kale ku aaday xilli xaalad adag oo amni darro iyo abaaro isugu jira ay ka taaganyihiin deegaanada Puntland, taasoo xukuumadda uu hogaamiyo mudane Gaas ku fashilantay inay wax ka qabato.

Dhanka kale warar uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas kula kulmay magaalada Garowe saraakiil safar dhulka ah kaga yimid dalka Ethoipia.

Majirto faah faahin kasoo baxday shirka labadaas dhinac ay yeesheen kahor safarka Gaas.

Xog uu helay warsidaha GO ayaa xusaysa inay kawada hadleen arrimo khuseeya doorashada Madaxweynaha ee dalka Somalia ka dhacaysa 08  Febreuary, 2017.

Dowladda Ethoipia ayaa loollan ugu jirta sidii uu mar labaad xilka u qaban lahaa mudane Xasan Sheekh Maxamud, taasoo la aaminsanyahay in saraakiishoodu u yimaadeen magaalada Garowe sidii Madaxweynaha Puntland loogu qancin lahaa ka qayb qaadashada dib u doorashada Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.

Mudane Gaas ayaase horay xiriir hoose ula lahaa Cumar Cabdirashiid iyadoo la xusuusto qaabkii uu ugu ololeeyay waqtiyo uu Garowe u yimid arrimo ku saabsan doorashadiisa.

Lama oga waxa Cabdiwali Gaas iska badalay kulanka saraakiisha Ethoipia kadib, balse hadii uu aqbalo rabitaanka Ethoipia waxaa laga yaabaa  inuu ka shaqeeyo sidii uu ugu shaqeyn lahaa sidii uu isugu keeni lahaa Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid kuwasoo khilaaf tartanka ah ka dhaxeeyo.

Madaxweyne Gaas oo ku shaqeeya siyaasad isbadalbadan ayaa intii uu ka soo dhoofin magalaada Garowe ayaa sarakiil ka tirsan dowladiisa iyo tageerayaashiisa kula taliyeen Inuu isaga fogaado loolanka loogu jiro kursiga Madaxweynaha Somalia isaga fogaado madaama musharaxiin farabadan oo reer Puntland ku jiraan balse wararka ayaa sheegaya Inuu diidey talooyinkaas.

Dowlada Ethiopia ayaa horay ugu yeertay magaalada Addis Ababa madaxda maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed kuwaasoo cadaadis lagu saaray inay ka shaqeeyaan qaabkii uu Xasan Sheekh kursiga ugu soo bixi lahaa mar labaad.

Taageerada Xasan uu ka helayo dalka Ethoipia ayaa loo aanaynayaa inay timid kadib markii uu sahlay arrimo badan mudadii uu joogay xafiiska.

30 Janaury, 2017 ayuu Xasan Sheekh safar aan horay loo sii shaacin ku tagay dalka Ethoipia isagoo u aaday arrimaha ololihiisa.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhinaca kale safar ku jooga magaalada Muqdishu.

Tallaabadan ayaa ka maqraati kacaysa doorka Madaxda maamul goboleedyadu ku leeyihiin doorashada kasocota dalka Somalia, iyadoo horay beesha caalamku uga digtay in faro galin lagu sameeyo arrimaha socda islamarkaana qof hogaanka qabanaya uu kusoo baxo caddaalad iyo cod xalaal ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM