​Xasan Sheekh oo Addis Ababa u dhoofay

Image

MUQDISHU, Somalia- Murashaxa Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta u dhoofay magaalada Addis Ababa ee xaurnta dalka Ethiopia.

Addis Ababa waxaa shir kuleh madaxda  Waddamada Africa.

Socdaalka Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay la xiriirto sidii uu uga qayb gali lahaa kulankaas isagoo matalaya dowladda Somalia.

Shirka IGAD, waxaa looga hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin Hiigsiga horumarineed Qaarada Africa ee 2063, Doorashada Guddoonka urur goboleedka IGAD oo ay sannadkan u sharaxan tahay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kenya Amina Mohamed.

Waxaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo kulankaas oo uga warmo arrimaha Somalia iyo doorashooyinka socda.

Xasan Sheekh oo kamid ah ragga Sharaxan ayaa matalaya Somalia xilli waqtigiisu dhammaaday islamarkaana muddo kooban ka dhimantahay waqtigii loo asteeyay.

Safarkan ayaa yimid xilli uu xalay kulan la qaatay Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Barlamanka Somalia iyagoo kawada hadlay waxyaabo khuseeya dib u doorashadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM