WAREYSI: Juxa oo ku dhawaaqey musharxnimo, ka hadlay kororsiga iyo arimaha Federaalka

Image

Cabdi Farax Siciid "Juxa" waxaa uu ahaan jirey saxafi hore, qoraa islamarkaana kamid ah Sugaanleyda Somaaliyeed isagoo xilal wasiirnimo kasoo qabtey maamulka Punntland iyo dowlada Federaalka Soomaaliya. Waxaa uu noqdey Wasiirka Waxbarshada Puntland sanadihii u dhexeeyey 2009-2014 halka dowlada Federaalka ka noqdey Wasiirka arimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo Federaalka. Inta uu xilalkaan qaban Juxa waxaa uu kasoo shaqeeyey xafiiska siyaasada qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya qaybtiisa Puntland. Cabdi Farax ayaa wareysi uu siiyey website Wardheernews ku sheegey inuu u sharaxan yahay doorashada ka dhaceysa Puntland Jan 8, 2019 xilka Madaxweynaha.


Cabdi Faarax Juxa ayaa wareysigaan ku sheegey in musharaxnimadiisa uu ku dhawaaqi doono bartamaha bisha July.

" Waxaan ku dhawaaqi doona in aan musharax ahey bartamaha July. Colaada Tukaraq ee u dhexeysa maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa dib u dhigtey in aan shaaciyo qorshaha musharax-nimadeyda." ayuu u sheegey Wariye Xasan Maxamad Abukar oo Juxa kula hadlay khadka taleefanka magaalada Nairobi 15 June,2018.

Juxa oo wax laga waydiiyey suuragalnimada in Gaas isku dayo inuu dib u dhigo doorashada Puntland ayaa sheegey, in hadii Madaxweynaha Puntland colaada Tukaraq mar-marsiiyo ka dhigto, in jahawareer dhinaca Dastuurka la galayo islamarkaana meesha ay ka baxeyso sharciyada dowladnimo ee Puntland. "Waxa ugu xun ee Puntland ka dhici kara waxay tahay iyadoo meel ka dhac lagu sameeyo jiritaanka Dastuurka taasoo horseedi doonta fowdo iyo kala-dambeyn la'aan." Taasi waxay noqoneysa khayaamidii ugu dambeysay oo lagu sameeyo Puntland."

"Dagaal baan ku jiraa marmarsiiyo loo isticmaali karo kororsiimo ma aha. qofku waa inuu difaaca dalkiisa hadana uu dhowraa shuruucda u dagsan dalkiisa. Waxaan rajeynayaa in Madaxweyne Gaas caqligiisa iyo fahankiisu gaarsiisan yahay intaas." ayuu yiri Juxa oo la hadlaya WDN.

Mar uu ka hadlayey musharaxiinta kale ee xilkaan raadineya iney badan yihiin ayuu xusey in tartan walba uu sidaas yahay balse tartamayaashu kuwo kooban noqon doonaan.

Sababta uu isu sharaxayo ayuu ku sheegey in dalka uu kasoo shaqeynayey muddo 10 sano. Kadib markii uu sanada badan dalka dibadiisa ku noolaa, uuna soo qabtey xilal muhiim ah. Dadku reer Puntland waxay dhumiyeen kalsoonida ay ku qabeen hogaamiye-yaashooda iyo nidaamka dowladnimo guud ahaan. Waxaan u taagnahay Soomaliyada cusub- In aan wax ku raadiyo is-fahan iyo xoojinta nidaamka Federaalka Soomaaliya, iyo maamul wanaag baan rabaa. Waan ogahay ayuu yiri iney tahay howl dhib badan balse waxaan doonayaa in aan codkeyga iyo kartideyda ku biiriyo dib u dhiska Soomaaliya.

" Waa nasiib daro in dowlada dhexe ee Soomaaliya mudo isku dayeysay in arimaha gudaha maamulada kamid ah nidaamka Federaalka faragalin ku sameyso si ay u daciifiso. Waxay qaab lacagdeed u isticmaaleysay iney badasho hogaamiye-yaasha maamulada iyadoo raadineysa in kuwo la isku haleyn karo xilalka qabtaan. Waa inuu jiraa xal siyaasadeed ee u dhexeeya maamulada iyo dowlada Federaalka kaasoo ku dhisan is-ixtiraam iyo in la ilaaliiyo Dastuurka dalka u dagsan. Hogaanka hadda fadhiya Villa Somalia, nidaamka Federaalka ee Soomaaliya khatar buu ku yahay, waana in aanu ogolaan iney dhacdo arintaas." ayuu Juxa oo ka jawaabayey su'aal aheyd sida uu u arko xiriirka u dhexeeya dowlada Federaalka ah iyo maamul goboleedyada Soomaaliya.

" Maya, kulamo jiro dagaal. Waxaa kaliya oo aan rabaa in dowlada Federaalka ah dib u eegto qorshayaasheeda siyaasdeed. Inta ay isha kaliya ku hayn lahyd qaybsiga khayraadka dalka balse ay ka shaqeyso sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka KMG ah, Waxaan rabaa shaqo run ah oo la qabto iyadoo la dhisayo kalsooni iyo dib u dhis dhab ah. Ma aha in meel dhow wax laga doono. Dowlada dhexe waxay leedahay hab dhaqan ah in labo qof daaha gadaashiisa kasoo karkarinayaan ajendaha qaranka halka dad kalena laga rabo iney Tiimbaraha u saraan siyaasadaha ay la yimadaan." ayuu yri Juxa isagoo sidoo kale ka jawaabaya in hadalkiisu u eg yahay nin dagaal kula jira dowlada Federaalka Soomalia.

Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Soomaaliya islamrkaana sheegey inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ayaa isagoo sidoo kale ka jawaabaya sababta dowlada Federaalka siyaasadeeda u diidan yahay ay tahay madaama xil dhowaan laga qaadey ayaa yiri " Waan ku faraxsanahay inaad i waydiiso su'aashaas. Waxaan u dhumiyey shaqdeyda Wasiirnimada Federaalka waa is aqoon la'aan- taas macnaheedu waxaa weeye Villa somalia si wanaagsan baaris ugama sameyn mowqifkeyga siyaasdeed sababtoo ah shaqada waxaan ku heley anigoo soo marey Framaajo. Kaidb waxaa soo baxdey in fikirkeyga iyo Kan Villa Somalia yahay mid aad u kala duwan." 

Madaxweyne Framaajo ayaa sanadkii 2015 inta uu isoo wacay iga codsadey in hadii la doorto aan ka caawino arimaha waxbarshada. Isma aanu aqoon, balse waxaa uu la socdey howlihii aan waxbarashada Puntland ka qabtey markaan Wasiirka ahaa. Run ahaantii dad badan ma aysan fileyn in Framaajo Madaxweyne ku guuleysanyo- waxaa loo maleynayey in ay guuleysanyaan Madaxweyne Xasan Shiikh oo xilka hayey ama Shiikh Shariif.

Si kastaba ha ahaato waa uu guuleystey, waxaan filayey in lay magcaabayo Wasiirka Waxbarashada balse loolan siyaaseed kadib waxaan noqdey Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya oo ku soo beegmey xilil adag oo siyaasdeed sida dagaalkii u dhexeeyey Puntland iyo Galmudug, murankii siyasadeed ee Galmudug iyo Ahlu Sunah Wal Jamaca: Dhiibistii Qalbi Dhagax; In aan maamulada si dhow ula shaqeeyo dowlada Federaalka kuma aysan faraxsaneyn; murankii jinsiyadaha taasoo wasaaradeyda la waydiiyey iney keento shirka golaha xukuumada. Waxaa kale waqtigii aan xilka hayey ay aheyd xilli dowlada Federaalka rabtey iney badasho Madaxweyne Xaaf.

Waxaan gabi ahaanba Villa Somalia ku kala aragti duwaneyn sida loola shaqeynayo maamulada Soomaaliya: Anigu waxaan rabey in la xoojiyo xiriirka islamarkaana wada shaqeyn la yeeshaan dowlada dhexe halka dowlada Federaalka raadineysay maamulo amarada ka qaata Muqdisho.

Sida uu ula dhaqmayo maamulada Puntland iyo Galmudug

Juxa ayaa sheegey inuu rumeysan yahay walaatinimada dadka Soomaalida. Puntland hurumar waxay ku gaari kartaa iney nabad kula noolaato maamulada dariska la ah iyadoo aaan colaado laga abuurin xuduudaha. Waxaan aad u rumeysanahay wadahadal dadka dhexmara.

Mar uu ka hadlayey colaada Tukaraq ayuu sheegey inuusan rabin inuu arko in Cabdiweli iyo Muuse Biixin arinkaan u istcaamaalaan siyaasad. Biixi ayaa bilaabey colaadaan, Puntland xaq ayey u leedahay iney is-difaacdo. sidaan horey u sheegey dadka Puntland iyo Somaliland waa walaalo, xalka Tukaraq iyo xuduudkana waa mid mas'uuliyadiisu saaran tahay dadka dagan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn iyagu waa iney go'aansadaan mustaqbalkooda. Sida kale dadkaan waa in la siiyo codkooda si ay go'aan uga gaaraan mustaqbalka dhulkooda iyo dadkooda.

" Waxaan rabaa in aan isbadalo ka sameeyo meelaha qaarkood;amniga, dhaqaalaha iyo maamul wanaaga. Waxaan rabaa in aan aragti fog, aqoonta iyo muruqa dadka u adeegsado horumarinta Puntland. Waxaan rabaa in aan xoojiyo amniga, kaasoo ah mushkilada weyn ee haysata maamulkaan, sida ciidamada oo la dhiso iyo in la hubiyo mushaharka ciidamada noqda mid waqtigiisa la bixiyo. Khatarta Al Shabaab iyo ISIS waa mid dhab ah, waxaa kaliya oo lagaga hortagi karaa iyadoo bulshada dhexdeeda kalsooni laga dhex abuuro'. ayuu yiri Juxa mar wax laga waydiiyey siyaasada uu ku hogaaminayo Puntland.

Isagoo ka hadlaya siyaasadiisa ku aadan heshiisyada dekadaha maamulada Soomaaliya la galeen dowlada Imaraadka iyo mowqifka dowlada Federaalka ah, ayuu sheegey in Dastuurka KMG ah aysan ku cadeyn arintaan balse inta la helayo dowlad si dhab ah u shaqeyneysa maamuladu waa in ay hurumariyaan kaabayaashooda dhaqaalaha. Wax dhib ah uma arko in DP horumariso dekada Boosaso waa wax u wanagsan Puntland.

Dhinaca kale isagoo ka jawaabaya su'aal ah in taasi macnaheedu tahay in Madaxweyne Gaas ku waafaqssan yahay arinkaas, ayuu sheegey " Si ka duwan baan u sameyn lahaa heshiiska- Abdiweli wado khaldan ayuu u marey saxiixa heshiiska uu la galay shirkada DP World. Waxaan rumesynahay in wax walba cad yihiin " Transparancy' islamrkaana dood sax ah ka galaan hay'adaha dowliga ee jira arimaha muhiimka ah sida heshiiskii lala galay dowlada Imaraadka." 

Khilaafka Khaliijka

"Dowlada Federaalka ma aha dhexdhexaad waxay la socotaa Qadar- Waa wadan yar, waxaan la yaabanahay waxa uu dalkaas u qabtey dalka Soomaaliya. muistaqbalka fog ee Soomaaliya waxaa uu ku jiraa in aan la shaqeyno dalalka Sucuudiga iyo Imaraadka Carabta." ayuu Juxa yiri mar uu ka hadlayay khilaafka Khaliijka iyo mowqifka dowlada Soomaaliya.

Ugu dambeyn wareysigaan ayaa Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Farax Juxa la waydiiyey xaalada saxaafada Puntland, waxaana uu ku tilmaamay iney tahay heerka ay mareyso mid laga xumaado, " Ma aha saxafiyiinta iney ka baqaan iney runta sheegaan, heerka saxaafada Puntland waxay ku kooban tahay Facebook taasoo sababteedu tahay hogaan la'aan iyo jiheyn aan ka jirin Puntland. Ma laha saxaafada Puntland meel ay ku kobocdo. Cabdiweli Waxaa uu nusqaamiyey awoodii Talefeshinka Puntland kaasoo dowlada Talyaaniga ugu deeqdey maamulkaan isagoo hoos geeyey wasaarada Warfaafinta, waxayna talaabadaan dhumisey madax banaanidii hay'adaan.


Xuquuqda tarjumaada wareysigaan waxaa iska leh warsidaha Garowe online

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM