Wasiir dowlaha Dekedaha Puntland oo Boosaaso lagu dhaawacay

Image

BOOSAASO, Puntland- Wasiir dowlaha wasaaradda Dekedaha dowladda Puntland, Axmed Siciid Cabdi, ayaa lagu dhaawacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wasiirka ayaa lagu dhaawacay nawaaxiga wadada Gaaca ee bartamaha magaalada, waxaana falkaas gaystay ciidamo hubaysan.

Mas'uulka ayaa la dhigay ayaa cisbtalka magaalada, waxaana dhaawacyo kasoo gaareen dhanka feeraha iyo gacanta, sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka gobolka.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya habka uu ku dhaawacmay Wasiir dowluhu, waxaana dad goob joogayaal ah sheegayaan in dhacdadan ay la xariirto Jaamka waddooyinka magaalada.

Qof ka agdhawaa goobta ay wax ka dhaceen ayaa Warsidaha GO u sheegay in ciidamadan rasaas fureen xilli jidku xirnaa dabadeenka sii socdeen.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka iyo xukuumadda Puntland.

Dhacdadan ayaa kusoo aaday xilliga amniga magaalada Boosaaso uu yahay mid aad u sii xumaanaya, waxaana falkan la xariira Jaamka magaalada uu ku soo beegmay xilli caasimadda Puntland dhawaan qof shacab ah uu ku dhaawacay dhowr qof taasoo la xariirtay ciriiriga waddooyinka.

Laamaha ilaalada Waddooyinka Puntland ayaa ah howlgab aan shaqo badan ka qaban Jidadka, taasoo ay sabab u tahay tayo, tiro iyo mushahar la'aan haysata ciidamadaas.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM