Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka hadlay shir ka dhacay Kuwait

Image
Image

15 Octobar, 2015(GO)-Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa ka warbixiyay shir ka dhacay dalka Kuwait oo looga hadlay arrimo ku saabsan xaaladda caafimaad ee wadamada ku bahoobay ururka cafimaadka Adduunka ee (EMRO/WHO).

Shirka oo sannadkii hal mar la qabto ayaa wasiirku sheegay inay ku gudbiyeen baahiyaha dhanka caafimaad ee ka jira Puntland.

Waxaa ka soo qayb galay 22-ka wasiir Caafimaad ee dalalka ku jira hay'adda Cafimaadka Adduunka.

Cabdinaasir Cismaan Cuke, oo dhaawan ku soo laabtay Puntland ayaa xusay in loo sameeyay ballanqaado isugu jira adeegyo caafimaad iyo dhismayaal  laga hirgalinayo Puntland, kuwaasi oo ay u ballan qaadeen hay'ado khayri ah oo ka asaasan dalka Kuwait.

Cuuke ayaa tilmaamay inuu booqday Safaaradda Somalia ee dalkaasi, waxayna ka wada hadleen sidii ay uga qayb qaadan lahayd soo gudbinta ballanqaadyada loo sameeyay, wuxuuna uga mahadceliyay dhammaan bulshada reer Puntland ee dalkaasi dadaalada ugu jiraan hormarinta waddanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM