XOG: Gaas oo Wada Qorshayaal uu Ku Carqaleydano Doorashada Puntland.

Image

GAROWE - Sida warar lagu kalsoon yahay u sheegeen warsidaha Garowe Madaxweynaha Puntland ee waqtigu kasii dhamaanayo ayaa waxaa uu damacsan yahay inuu dagaal ka bilaabo furinta hore ee Tukaraq inta aan la gaarin doorashada ka dhaceysa maamulkaan Jan, 2019.

Gaas oo maalmihii lasoo dhaafey booqaho ku  joogey gobolka Sanaag hadana ku sugan magaalada Boosaaso ayaa sida warsidaha Garowe Online fahan-san yahay inta uusan magaalada Garowe ka ambabixin waxaa uu kulan la qaatey qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada ee ku sugan aaga hore ee tuulada Tukaraq isagoo u sheegey iney u diyaar garoobaan duulaan lagu qaado ciidamada kasoo horjeeda ee Somaliland balse arinkaas ayay ku tilmaameen mid aan suurtagal aheyn waqtigaan lagu jiro.

Madaxweyne Gaas oo sumcadiisa si ba'an hoos ugu dhacdey labadii sano ee ugu dambeeyey kadib markii maamulkiisa lugaha la galey musuqmaasuqii ugu badnaa tan iyo intii Puntland dhidibada loo taagey ayaa damacsan in doorashada soo socota ku carqaldeeyo dagaalo cusub.

Dhinaca kale xogtaan ayaa waxay sheegeysaa in furinta hore ee ciidamada "Tukaraq" ay maanta tageen Sadex Wasiir oo ka tirsan xukuumada Gaas kuwasoo kulan la qaatey saraakiisha ku sugan halkaas. Sida xogo lagu kalsoon yahay xusayaan Wasiiradaaan ayaa fariin ay ka wadaan Madaxweynaha Puntland u geeyey saraakiisha ciidamada taasoo aheyd iney diyaar garoobaan balse waaku gacan seyreen.

Sidoo kale waxaa wayadaan dambe aad u xumaa xiriirka u dhexeeya Taliyaha guud ee ciidamada Puntland iyo Madaxweyne Gaas kadib markii warar soo baxeen sheegaya inuu damacsan yahay inuu badalo balse arinkaan ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii saraakiil sare oo laga codsadey iney xilkaan qabtaan ka cududaarteen.

Tuulada Tukaraq ayaa waxaa ciidamada Somaliland qabsadeen Jan,2018, iyadoo mudado Sideen bilood ah maamulka uu Madaxweynaha ka yahay Gaas ku guuldareytey inuu dib ugu soo celiyo gacanta maamulkaan.

Madaxweyne Gaas oo hadda ku sugan magaalada Boosaaso ayaa waxaa maalintii shaley lagaga diley labo askari oo ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah iyadoo loo maleynayo in falkaan ay gaysteen kooxaha argagixisada ah ee kusoo xoogeystey wayadaan dambe gobolka Barri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM