Yemen oo bogaadisay doorka PL ee qaabilaada qaxootiga Yamaniyiinta

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefti ballaaran oo uu hogaaminayo safiirka dalka Yaman ee Soomaaliya Ambassador Fahad Ali Ahmed Al-Hinaq.

Weftiga Safiirka ayaa waxaa qayb ka ahaa Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Yaman Mudane Caarif Maxamed Cali, waxaana kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay weftigani ku wehelinaayey Wasiir Ku-xigeennada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyadda, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda iyo Agaasime Ku-xigeeka Madaxtooyada dowladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku simaha Madaxweynaha oo wafdigan si heer sare ah u soo dhoweeyay ayaa sheegay in xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Yaman, gaar ahaan Puntland.

"Waxaa jira cilaaqaad ka dhexeeya Soomaaliya iyo Yaman, khaasatan reer Puntland iyo Yamaniyiinta, inagoo isku dhow oo isku caadooyin iyo isku dhaqan ah, inagoo arrimo ganacsi inaka dhexeeyaan, marka waxay u socdeen xiriirka inay sii wanaajiyaan, guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland". Ayuu yiri Madaxweyne Karaash

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xusay in shirkooda ay ugu hadleen arrimo ay ka mid yihiin Qaxootiga Yamaniyiinta ah ee ku sugan gudaha Puntland, kuwaas oo ka soo qaxay colaadaha ka jira dalkooda, isla markaana ay isla-meeldhigeen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dhinac.

Dhankiisa safiirka dalka Yaman ee Soomaaliya Ambassador Fahad Ali Ahmed Al-Hinaq ayaa ka mahadnaqay qaabillaadda wanaagsan ee uu kala kulmay Madaxda Puntland, isaga iyo waftiga ballaadhan ee ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaasi, waxaana uu Dowladda Puntland iyo shacabkeeda ku ammaanay sida ay ugu gurmadeen walaalahood reer Yaman ee dhibaatada ballaaran ay soo wajahaday markii dalkoodu uu galay dagaallada sokeeye.

Safiirku waxaa uu hoosta ka xariiqay in Puntland ay u fidisay gurmad iyo dib u dejin walaalahooda Yaman, waxaana uu sheegay in Yaman ay tahay garabka Soomaaliya, Soomaaliyana ay tahay Garabka Yaman.

Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyay booqashada waftigan ay ku soo gaareen Puntland, waxaana uu caddeeyay inay isla meel-dhigidoonaan dhammaan arrimaha muhiim ka ah ee ay ka hadleen wafdiga Yaman.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Puntland State House

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM