AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadii magaalada Muqdisho ku qaabilay Taliyaha cusub ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Gen. Dagvin R.M. Anderson, iyadoo kulankooda lagu falanqeeyay dadaallada socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab, isaga oo carrabka ku adkeeyay sida Mareykanka uga go’an tahay in uu xoojiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya si loo sugo amniga gudaha iyo midka gobolka.

Sida uu sheegay xafiiska Madaxweynaha, taageerada Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay ka kooban tahay howlgallo diyaaradeed oo bartilmaameed leh, tababaro milatari, wadaagista sirdoonka, iyo qalab lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda guud ee amniga Geeska Afrika, iyagoo muujiyay baahida loo qabo iskaashi goboleed oo ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee xuduudaha ka gudba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay AFRICOM doorkiisa, isaga oo ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ay sii adkeyn doonto xiriirka la leh saaxiibada caalamiga ah si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta.

Booqashada Gen. Anderson ee Muqdisho ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Afrika ee ay ciidamada Mareykanka ka howl-galaan, taasoo qeyb ka ah dadaallada Maraykanka ee lagu xoojinayo xasilloonida gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM