​AKHRISO: Marxaladihii uu soo maray muranka Badda Somalia iyo Kenya

Image
Image

Waxaa magaalada Hegue ee dalka Holland kasocota dacwad u dhaxaysa Somalia iyo Kenya, taasoo ka dhalatay is-fahamwaa ku salaysan qayb kamid ah biyaha Badda Somalia.

Dacwadda oo shalay furantay, waxaa warbixin dheer ka aqriyay guddiga matalaya dowladda Kenya oo uu hogaaminayo garyaqaanka Guud, iyagoo ku dooday inay Somalia la yihiin daris islamarkaana bar-bar taagneeyeen illaa bur-burkii xukuumaddii Miletariga.

Waxaa sidoo kale ku andacoodeen inay khalad tahay gal-dacwadeedka la keenay Maxkamadda Cadaaladda ICJ, waxayna madasha kusoo bandhigeen hishiisyo ay la galeen xukuumaddii KMG aheyd ee ka jirtey dalka Somalia.

Hadaba, waxaa mugdi ku jiraa, sababta Kenya ku damaacidey Biyaha Somalia iyadoo laga warqabo in ciidamadoodu ku howlgalaan magaca AMISOM, horayna u haysteen dhul Somaliyeed (NFD).

Waxaa sidoo kale mugdi ku jiraa doorka bixinta biyaha kulahaayeen dowladihii waddanka soo maray iyo madaxdii talada haysay.

Garyaqaan Axmed Cali Khayre, oo waraysi xogbadan xambaarsan siiyay warbaahinta Dalsoor, ayaa sheegay in waddanka Somalia xilligii dowladdii ka horeeyey burburka cabsi laga qabin in lasoo hunguriyeeyo dhulka iyo biyaha dalka, iyadoo xeerarkii soo kala baxay 1972 iyo 1989 u janjeereen dhinaca Koonfur Bari oo markaasi ka fogaa xadka Somaliya iyo Kenya.

Wuxuu sheegay in mowqifkii Kenya is-badalay 2005-tii, iyagoo xariiqdii kala xadaynaysay labada Biyood u janjeeriyey dhinaca Bari, maadama shir dalkaasi uga socday Kooxihii waddanka ka talinayay waqtigaas la arkay tayada siyaasiyiinta Somalia iyo mowqifkoida ku aadan la haanshaha dhulka, waxayna ka faa'iidaysteen sharci u dagan Qaramada Midoobay kaasoo waddamada Badaha leh u ogolaanaya inay ku siyaadsan karaan 200mile..

Tallaabadaas kadib ayaa madaxda Kenya, waxay ka codsadeen hogaamiyaashii 2009 dalka Somalia ka talinayay inay la galaan waxay ugu yeereen "Is-afgarad", kaasoo ku muujisantahay xariiqdii ay badaleen ee ay kusoo galeen biyaha dalka Somalia.

Hishiis kadib madaxdii waqtigaas joogtay, waxay ku doodeen inaysan saxiixin biyo Somaliyeed oo la siiyay dalka Kenya, balse sida garyaqaanku sheegay ay yiraahdeen,"Waxaa noo yimid Khuburo caalami ah oo muddo dhan saddex saac na fahamsiinaysay is-afgaradka aan la galnay Kenya".

Khayre, oo sii hadlayay ayaa sheegay in hishiiskaasi la galay kasoo horjeesteen shacbiga Somaliyeed islamarkaana ka dhiidhiyeen, waxaana Barlamankii waqtigaas jiray sidoo kale laaleen hishiiskii lagu bixiyay biyaha dalka.

Go'aankaas kadib, waxaa waraaq loo diray Qaramada Midoobay, kasoo baxday dalka Kenya islamarkaana uu saxiixay Ra'isal wasaarihii waqtigaas Cumar Cabdirashiid, waxaana lagu ayiday hishiiskii ay wada galeen Kenya iyo Somalia.

Doodo badan kadib iyo cadaadis ka yimid dhiaca shacabka, waxaa 1 Augusto, 2009, Cumar Cabdirashiid qoraal u diray QM isagoo ku sheegay inaan lagu dhaqmi karin hishiiskii la galay, waxaana kasoo jawaabtay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyagoo aqbalay dalabka Sharmake.

Rabitaankii Kenya iyo madaxdii waqtigaas oo ku hadaaqaysay inaysan galin hishiis ee ay saxiixeen is-afgarad, ayaa waxaa dhacday in dowladda Kenya, qoraalkii la saxiixay u gudbiso Qaramada Midoobay islamarkaana ka diiwaangaliso iyadoo sidaas looga dhigay hishiis caalami ah.

Waxaa xigay in xukuumadda fadhigeedu yahay Nairobi, ruqsad siiso shirkaddo Ajnabi ah, kuwaasoo loo ogolaaday inay khayraad ka baaraan biyaha Somaliyeed, sidaasina ku howlgaleen.

21 July, 2014, waxay dowladda Somalia qoraal u gudbisay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, kaasoo ay kagasoo horjeedo tallaabada Kenya ku qaadatay biyihii Somaliyeed ee ay saxiixeen madaxdii ka horaysay, waxayna dalbatay inay go'aamiso maxkamaddu xadka u dhaxeeya labada waddan iyadoo la raacayo qawaaniinta caalamiga ah.

Maxkamadda ayaa labada dhinac ugu baaqday inay soo gudbistaan qoraal, balse halkii Jawaab laga filayay dalka Kenya, waxay soo direen qoraal ay ku naqdinayaan in ICJ qaado dacwadda ku salaysan is-afgaradka iyagoo sheegay inaysan awood u lahayn qaadista kiiskan.

Kenya, ayaa ku dooday in labada waddan u socdo nidaam diblomaasiyadeed oo lagu xallinayo arrimaha taagan, balse Somalia, waxay sheegtay in arrintaasi bur-burtay.

Hadaba, waxaad moodaa in xagal daacin kasocota dhinaca dowladda Federalka Somalia; qoraal soo baxay 04 February, 2014, oo loo gudbiyay Guddiga Xadaynta qalfoofta biyaha, waxaa dowladda Somalia ku baaqday inaan loo hogaansamin diidmada Kenya.

Shir Qaramada Midoobay u qabsoomay March, 2014 waxay cadeeyeen inaysan tixgalin doonin codsiga Kenya, sababtoo ah waxaa diidmo katimid dhinaca dalka Somalia.

November, 2015 waxaa UN-ku sheegay inay badaleen mowqifkoodii hore islamarkaana tixgaliyeen dalabka Kenya, iyagoo sababta ku sheegay in qoraal dowladda Somalia kasoo baxay 7 July, 2015 lagu ogolaaday in tixgalin loo sameeyo xukuumadda uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta.

Kulan 31 May, 2013 dhexmaray wasiirradda arrimaha dibadda Kenya iyo Somalia, Amina Maxamed iyo Fowziyo Yusuf H. Adan, ayaa ku dhawaaqay in labada waddan sameeyaan Guddi ka qayb qaata sidii looga wada hadli lahaa xuduudka badda.

Balse golihii wasiirrada waqtigaas oo shiray ayaa ganafka ku dhuftay  rabitaanka Kenya, waxaana meesha ka baxay wadahadalkii la doonayay.

April, 2016 waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Madaxweynaha Kenya iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, waxaana wadahadal dhexmaray lagu go'aamiyay in dib loo soo celiyo guddigii ka shaqayn lahaa dhammaynta xasaradda ka taagan biyaha Somalia, waxaa hirgalinta guddigaasi la macna yahay in Somalia ogolaatay wadahadalkii kala dhaxeeyay Kenya, kaasoo meesha ka saaray dacwaddii loo gudbiyay ICJ.

Nasiib darro wadahadalkaasi waa burburay, laakiin waxaa June 2016, hishiis kala saxiixday labada wasiir Arrimo dibadeed kaasoo ahaa in la hirgaliyo guddigii shaqadiisu ahayd muranka Badda.

Akhriste dooda intaas soo jiitamaysay islamarkaana soo martay marxaladaha kala duwan ayaa maalintii labaad doodiisu gashay, waxaa  hadaba waxaa is-weydiin mudan sababta madaxda Somaliyeed u dibin-daabyaynayaan dacwadda taalla Holland.

Shacabka Somaaliyeed cidna uma maqna ceelna uma qodna, waxa socdaana waxay u muuqdaan Qowda Maqashii waxna ha u qaban.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM