Al-Shabaab oo iska fogeysay in uu ka tirsanaa Fanaan Abshir Gaarane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Al-Shabaab ayaa dhinac isaga leexiyey warka ku saabsan in Abshir Gaarane Axmed uu iyaga ka tirsanaa, sidda lagu daabacay baraha taageera ururkaas.

"Ninka muuqaalkiisa lagu faafiyay baraha Bulshada ee lagu magacaabay Abshir Gaarane Axmad wax xiriir ah lama lahan xarakada Al-Shabaab," ayuu yiri horjooge magaciisa la qariyey.

Marka laga reebo beeninta, ma uusan soo bandhigin caddeymo cad-cad oo xoojinaya sheegashadiisa.

Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa xalay baahisay muuqaalka Abshir oo qiranaya in uu la shaqeynaayey kooxdaas gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Abshir ayaa muuqaalka ku xusay in uu xoogagaas ku biiray sanadkii 2013-kii isla markaana uu u qaabilsanaa dhanka sahanka [sirdoonka] iyo maaliyada.

Baareyaasha ayaa daboolka ka qaadey in loo gudbin doonaa hay’addaha garsoorka si loo mar-siiyo hanaanka cadaalada ee waddanka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Al-Shabaab ay darifto war kasoo baxay sirdoonka Soomaaliya, waxaana jirta in ay horey isaga fogeysay xubno lala xiriiriyey oo ay NISA soo bandhigtay.

Waa kuma Abshir Gaarane Axmed?

Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayuu kasoo jeedaa, sidda uu ku sheegay dhowr wareysi oo uu siiyey warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho.

Fanaankan la xag-jireeyay ayaa lagu waramay in uu xoghaye u ahaa Shamso Cali Macalim, oo ah agaasimaha waaxda dhanka fanka ee maamulka gobolka Banaadir.

Qabashadiisa ayaa la fahansan yahay in ay timid markii uu soo far-muuqay Ilkacase, macalinkii dilaaga noqday ee dhowaan kasoo muuqday Talafishinka Qaranka.

Hay'adaha nabad-gelyadda ayaa la wariyey in ay baaritaano ku wadaan fanaaniin kale oo la xiray markii ciidamadu ku duuleen hoy ay ka deganaayeen Boondheere.

Eedeysanaha ayaa la tibaaxay in uu si ku meel gaar ah u qabtay xilka Madaxa Maaliyada Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, isla markaana uu bixin jiray gunada "dilaayaasha".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM